HCTV(Hunguri Cable TV) xalay warku wuxuu cadeystay in uu Dawladu La jiro oo UCID Dagaal ku hayo
Televisionkii madaxa banaanaa ee HCTV oo beryahan danbe naaneyso kale bulshadda dhexdeeda kula baxay sida Hunguri Cable TV, ayaa xalay oo ahayd january 9keedii, 2014 wuxuu caddaystay dagaalka uu ku hayo xisbigga mucaaridka ah ee UCID. Warka wuxuu headline ka soo dhigay nin sheegtay inuu xisbiga iska casilay golaha deegaanka isagoo ku sababeeyey; “ka dib markii aanu xisbigga ka weynay mansabkii aanu ku lahayn” maadaama ay isku reer ahaayeen Gudoomiye ku xigeenka 2 aad ee xisbiga ay dhowaan xisbiga UCID shaqaddii ka fadhiisiyeen maadaama uu dalka ka maqna waxna aanu xisbiga ku soo kordhin, markaa nin adeerkii u cadhooday uun buu ahaa. Laakiin HCTV waxa uu xaqiray oo aanu mansabkii ay lahaayeen aanu siinin Musharaxa Madaxweyne ee xisbigga UCID oo isagu jamhuuriyadda Jabuuti ku sugnaa arrimo door ahna ka hadlay, oo weliba HCTV ay ka reebeen markuu xukuumadda ku dhaliilaayey heshiisyadda macdanta ee Baarlamaanka aan haba yaraatee la hoos geynin; halka telefiishanka Somali Channel uu soo daayey; oo uu isla shir saxaafadeed isku mid ah goob qudha ku wadda sameeyey. Haddaba waa maxay sababta musharax dhaliishiisa xukuumadda ku aadan looga jarayaa oo warkiisana xagge danbe loo gelinayaa; nin isagu gudoomiye gobol ahaana warka xagiisa hore loo gelinayaa? akhristoow adiguba halkaasi waad ka aragtaa eexda dhabta ah ee maamulka HCTV gaar ahaan Farxaan Xaaji Cali uu u sameeynayaa. Imika waxba la yidhaa wararka HCTV ka baxaha marka hore madaxtooyadda ayaaba la soo mariyaa waa sida ay bulshadda reer Hargeysa isla dhex maraan.
Ilaa doorashaddii golaha degaanka waxaa la sheegaayey in televisionkaasi lacag badan ay qawladdu siisay, mulkiilaha Farxaan Xaaji Calina guryihii dawladda mid ka mid ah oo shacabka ku yaallana isaga si gaar ah loo siiyey badelkiidiina uu ogolaaday inuu si toos ah ula dagaal galo xisbigga mucaaridka ah ee UCID ee weliba uu musharaxa ka yahay Jamaal Cali Xuseen. Haddaba waxaan ilaa xalay tilifoon ku raadiyey dad dhowr ah oo iga jaahil saara sababtoo ah waxaan ogaa iyadoo uu jamaal cali Xuseen mulkiile ka yahay oo uu televisionkan bad-baadiyey markii uu Farxaan Xaaji Cali kacay ee ay cidi weliba ka diiday inay telefiishankan wax ku yeelato oo caalmi ka dhigto, islamarkaana Jamaal Cali Xuseen oo aan markaasi siyaasadda ku jirin uu u soo gurmaday telefiishankan maalkiisiina geliyey cirkana geeyay, saaxiibo badana ku soo xidhay. Laakiin markii uu u baahday in isagii lagu dilay oo loo soo adeegsaday. Sida la sheegayna waxa la sheegay Farxaan Xaaji Cali inuu gows dhaafsaday, lacagna kuba doontay sidii uu xisbigga UCID ula hadhi lahaa doorashaddii Jamaal Calina wuu cadeystay dagaalkiisa. Laakiin Ilaahay kama dhigin isagaa caadiliyee waakii xisbigii UCID iyo Jamaal iyo Faysal ay guushu raacday.
Waxa lay xaqiijiyey oo weliba mid ka mid ah taageerayaasha xisbiga UCID ii xaqiijiyey in Jamaal lacagtiisii ay weli ku jirto oo uu ka yahay mulkiile laakiin aanu maamulin isagu, damiir kiisuna siin waayey in laysku qabsado telefiishanka oo maxkamad uu la gallo, balse uu sugaayo wakhtigiisa, imikana aanay wadda hadlin Farxaan ka dib markii uu u cadaystay in xoolahiisii isagoon shillin uga soo celin inuu isagu wax walba ku takri fallo. Jamaal Cali Xuseen wuxuu muujiyey dulqaad faro badan, qof kale mar horuu dagaal ku bilaabi lahaa Farxaan Xaaji Cali. Laakiin wuxuu taageerahaasi sheegay in uu dulqaadkii dhamaaday maalin dhowna dagaal cirka iyo dhulka ah uu Jamaal ku bilaabi doono Farxaan Xaaji Cali. Haddaba waxaan leeyahay mid Jamaal, midna Farxaan, midna tolka u dhaxeeya labada nin ee ilmaadeerka ah ee ka naxaya;
1. Jamaal waxaan leeyahay doqontu wanaaga ma garatee, wanaag danbe ha ka filin ninkan hadh iyo habeen xoolahaagii kugula dagaalamaya ee ka tasho’ sida ugu dhakhsaha badan. Adiga Ilaahay baa kula jiroo, walaahi cagahaaga hoostooda ayuu iman doonaaye. Nabsigu ma raaggo.
2. Mid waxaan leeyahay Farxaan. Ilaahay waxba kuma aha inuu Jamaal berito madaxweyne ka dhigee xaggee baad gali? waa adigoo uu licenkan kaa qaado, dacwad balaadhan oo xoolahiisa aad ku takri falaysana kugu soo oogga, nin shalay dhulka kaa soo qaaday ha ku nacasoobin. Yaanay kugu dhicin tii Ina Oomaar uu ku sameeyay Cigaal ee uu markii danbena Oomaar ka shaleeyey markuu Cigaal prime Minsiterka, Armaa la noolaadaa ileyn dawladda Siilaanyo kolay maruun bay tegiye. Wax isku fal oo sidii telefiishan madax baanaan u shaqee oo dadka haw kala eexan adigoo lacag uun daba cararaaya. Wax uun bal isku fal. Taariikhda Jamaal marka laga sheekayn doono, waad ku jirtaaye ogoow oo dhinaca xun uun baad ka soo geliye.
3. Tolka waxaan leeyahay war ninkan Farxaan ee ay lacagtu madax martay ama imika qabta walee haddii kale weji aad Jamaal berito kala hortagtaan ma lihidin. Jamaal hadduu siyaasadda kursiga fuullo iyo haddii kaleba Farxaan baa u eedaysan isagaanu aakhiro ula daadagayaa goor ay noqotaba, sida isagana laga soo weriyey.
Saxaafadda sida telefiishanka oo qaran dhan u shaqeeya yaan laga dhigin macdaar yar oo nin kolba siduu doono ka yeelo. Hunguri Cable TV (HCTV) wuu fashilmay ee waa in laga tashadaa. Jamaal Cali Xuseen wuxuu Ilaahay u qoray cidna seejin kari mayso ee qoladdan hungurigu qaaday taasi madax geliya.
Wa bilaahi tawfiiq,
Cali Cabdi Muxumed
Hargeysa, Somaliland
Taageere weyn oo Xisbiga UCID ah