Ha’yadda RajoQab oo Xustay Sannad Guuradeedii labaad ee markii la Aas-Aasey
Minneapolis Sept 10,2014(SDN/QJ)-Waxaa maalintii Jimcaha ay bisha September ahayd 5, 2014 makhaayada Safari, goobteeda shirarka lagu qabto ee Magaalada Minneapolis, Minnesota lagu qabtey Xaflad aad u balaaran oo ku aadan Sannad Guuradii Labaad ee markii dhidibada loo taagey Ha’yadda RajoQab. Munaasabadaasi oo si wanaagsan loo soo agaasimey waxaa ka soo qaybgaley reer Minnesota oo aana u kala harin. Dadkii goobta ka hadlay waxaa kamid ahaa culumo, aqoonyahaniin, dhallinyaro, xildhibaano, madax ka tirsan dowlada , haween iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota.
Ugu horeyn waxaa aayadaha Qur’aanka ku furay munaasabada Axmed Yare Calas oo ahaa wiill aad u da’yar. Ayaadaha Qur’aanka kadib, waxaa halkaasi warbixin ka soo jeedisay Falastiin Cabdi Abshir oo sheegtay in mudadii ay jirtey Ha’yadda RajoQab ay qabatey hawlo muhiim u ah Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Naafada Soomaaliyeed. Waxaa kale oo ay Falastiin sheegtay in nasiib darro walaalkeed Maxamed Abshir oo ah gudoomiyaha Ha’yadda RajoQab, xaalad caafimaad darteed uu uga soo qaybgali waayey munaasabada. Falastiin ayaa sheegtay in walaalkeed Maxamed Abshir uu Ha’yadda Rajoqab u aasaasay in ay ha’yaddu ku caawiso macluumad iyo adeegyo ay wax ugu qabanayso, kuna taageerayso naafada Soomaaliyeed.
Waxaa kale oo dadkii munaasabada ka hadlay ka mid ahaa Sheekh Cabdiasis oo looyaqaano Sheekh Nuux. Sheekh Cabdiasis oo kamid ah culumadda iyo naafada ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa sheegay in wax qabadka Ha’yadda RajoQab uu muuqdo, wuxuuna u hambalyeeyey Maxamed Abshir iyo dhamaan dadka garab taagan oo uu sheegey in ay bulshada wax weyn u qabteen ,wuxuuna kula dardaarmey in halkaa ay ka sii wadaan howlaha ay Naafada Soomaaliyeed u hayaan . Sheekh Cabdiasis ayaa xusay taariikhda Islaamka iyo Naafada. Sheekha ayaa macneeyay erayga “Curyaan” oo ay Soomaalidu si khalad ah ugu isticmaasho dadka Naafada ah, wuxuuna sheegay in macnaha Curyaan uu yahay maxbuus ama kii la xabsiyay ama la hor istaagay, Sheekha ayaa yiri, waxaa na hor istaagey dadka, balse ereyga “Naafo” ayaa ah ereyga saxda ah, ayuu sheegay Sheekhu. Sheekh Nuux oo aad loola dhacay qudbadiisa ayaa yiri, “magaceenu waa Naafo, qof bini Aadan ah oo kaamil ahna ma jiro, dadka Naafada ahina waa dad wax qaban kara”.
Xubnihii kale ee halkaa ka hadlay waxaa ka mid ahaa Professor Sheekh Siidow. Professor Siidow ayaa ahaa qofkii ku qornaa qudbad sharafeedka lagu xusayey Sannad Guuradeedii labaad ee markii la Aas-Aasey RajoQab. Sheekh Siidow ayaa qudbadiisa ku bilaabay hadalo dhiirigelin ah oo uu ka codsaday dadweynihii goobta joogay in ay ka daba dhahaan ereyada ah, “Aan wada jirno walaalayaal, aan is weheshano walaalayaal”, “Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan”. Sheekh Siidoow ayaa sheegay in hawsha Ha’yadda RajoQab ayna hadal u baahnayn, balse qof kasta laga rabo in uu u hiiliyo Naafada Soomaaliyeed iyo dadka u istaagay taageeradooda. Sheekha ayaa sheegay in Maxamed Abshir uu qabtay hawl muhiim ah, hamiga ku jirana uu yahay wax wanaagsan, maadaama uu hamigu yahay wax fiican.
Xildhibaan Cabdi Barre oo ka mid ah Baarlamaanka Dowladda Soomaaliya , Cabdi Warsame oo ah gudoomiyaha degmadda 6aad ee magaalada Minneapolis, Maxamuud Nuur oo ah Madaxa Confederation of Somali Community of Minnesota iyo Caabiyo Cali oo iyadu ah qof mar walba hiil iyo hooba la garabtaagan bulshada Soomaaliyeed, ayaa iyaguna qudbado ka jeediyay munaasabada. Xildhibaan Cabdi Barre ayaa sheegay in uu ku dadaali doono sidii uu iskugu xiri lahaa Dowladda Soomaaliya iyo Ha’yadda RajoQab Foundation.
Waxaa kaloo munasabada hadalo qiimo iyo qiiroba leh ka jeediyay Shariif Cabdullahi Mooge, Saalixa, Fartuun iyo Cabdiraxmaan oo iyagu ah Naafo kamid ah bulshada Soomaaliyeed eek u dhaqan gobolka Minnesota, ahna xubno firfircoon oo bulshada ka muuqda, kaalimo muhiim ahna kaga jira. Shariifka, Saalixa, Fartuun iyo Cabdullahi ayaa ugu horeyntii u mahadceliyay dhamaan dadkii kasoo qayb galay munaasabada iyo qof kasta oo isagu cagan ka geystay taageerida Naafada Soomaaliyeed. Abwaan Cismaan Ducaale ayaa isaguna maanso uu uga hadlayo in khayrka la isku raaco oo la yiraahdo, “Sabool yaa waxtaraaya oo Saadirkay wax amaansha” munaasabada ka tiriyay. Abwaab Cismaan Ducaale ayaa yiri, “Soomaalidu waxay ku maahmaahaan, Balaayo il la’ayd ama lug la’ayd”, Abwaan Cismaan ayaa sheegay in ay khalad tahay in dadka Naafada ah loogu yeero ama loogu maahmaaho erayo ama magacyo wax u dhimaya.
Haddaba waxyaabihii ay Hayadda RajoQab Foundation ay soo bandhigtay ayaa waxaa kamid ahaa cajalad daawasho ah oo laga shiday goobta munaasabadu ka dhacday. Cajalada la dawaaday ayaa ahayd warbixin laga soo duubay 40 kursi oo deeq ah oo ay Ha’yadda RajoQab ay gaarsiisay, una qaybisay gawaarida iyo kuraasta ay dadka naafada ahi isticmaalaan qaar kamid ah dadka naafada ah ee ku nool magaalada Muqdisho bishii June, 2014.
Lacagta lagu gaday kuraasta ay naafadu ku socdaan oo dhamayd $5,200 ayaa waxaa ku deeqay oo sadaqaystay dad Soomaaliyeed oo ku nool qurbaha gaar ahaan dalalka Mareykanka, England iyo Canada. Naafada loo qaybiyay gawaarida iyo kuraasta loogu talagalay dadka naafada ah si ay u isticmaalaan ayaa waxay isugu jireen rag iyo dumar, iyadoo mid walba oo ka mid ahi uu helay kursi uu ku socdo oo cusub, dadkan ay intooda badani ahaayeen dad naafo ah oo aanan lahayn, awoodina kuraas ay ku socdaan oo gurguuran jiray.
Dadka Naafada ah ee ka faa’iideystay deeqdan oo cajalda daaawashada ah ka muuqday iyaga oo aad iyo aad u faraxsan ayaa sheegay inay aad ugu farxasan yihiin deeqdan lasoo gaarsiiyay, waxayna sheegeen in kuraasta la siiyay xilli ay baahi weyn u qabeen, iyagoo dadkii ku deeqay ugu duceeyay in uu Ilaahay uu wax ka khayr badan ugu bedelo.
Haddaba maamulka Hay’adda RajoQab Foundation ayaa waxay markale u mahadceliyeen dhamaan dadkii xoogooda iyo xoolohoodaba ugu tabarucay gargaarka Naafada Soomaaliyeed. Waxayna balanqaadeen in ay hawsha meesha ka sii wadi doonaan, iyaga oo ku rajo weyn in ay Sannadkan deeqaha loogu gargaaro Naafada Soomaaliyeed ay gaarsiinayaan dhamaan dalka Soomaaliya oo dhan. Haddii aad jeceshahay in aad ka ka qaybqaadato caawinta naafada ku nool Soomaaliya oo la gaarsiinayo deeqda gawaarida dadka naafada ahi ay isticmaalaan, fadlan Maxamed Abshir kala xiriir taleefanka 612 986 4561 ama fariin qoraal ugu soo dir Rajoqab1@gmail.com. Waxaad kale oo aad booqan kartaa shebakada www.Rajoqabfoundation.org.
Qalinkii: Abdirahman Mukhtar, Minneapolis, MN