Hay’adda Nabadsuguda oo soo bandhigtay meydka Nin ka danbeeyay dil loogeystay Taliyii Nabadasugida Shibis
Muqdisho Feb 11 2013 (SDN)— Hay’adda Nabad Sugidda gobolka Banaadir ayaa maanta soo bandhigtay meydka Nin ay sheegeen in uu ka danbeeyay dilka Taliyihii Nabad Sugida degmada Shibis.
Taliyaha Hay’adda Nabadsugida Gobalka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo warbaahinta kula hadlay xarunta Nabadsugida ayaa sheegay in meydka maanta ay soo bandhigeen uu yahay ruuxii ka dambeeyay dilkii loo geestay Sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabadsugida oo xalay lagu dilay Degmada Shibis ee Gobalka Banaadir.
Khaliif Axmed Ereg ayaa tilmaamay in sarkaalka la dilay lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Axmed uuna ahaa Taliyihii Ciidamada Nabadsugida Degmada Shibis, waxaana uu tacsi u diray Eheladii uu ka tagay isagoo sidoo kale muujiyay in dowr wacan uu ka qaatay ladagaalanka Shabaab ee degmadaasi.
Ereg ayaa sidoo kale sheegay in ruuxa falka dilka ah geestay lagu magacaabi jiray C/risaaq Geele Cabdi oo ay maanta meydkiisa soo bandhigeen.
Sidoo kale taliyaha Ciidamada Nabadsugida Gobalka Banaadir ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay kala shaqeeyaan sugida dhanka ammaanka Magaalada Muqdisho isaga oo wacad ku maray inay gacanta kusoo dhigi doonaan cid waliba oo dilal kala duwan ka geysata Magaalada Muqdisho.
SDN-Muqdisho