Hay’adda Laanqeyrta Cas oo xaqiijisay in 300 maxaabiis ah Somaliland looga qabtay dagaalkii Sool
Laascaanood September 01,2023(QJ)-War ka soo baxay Hay’adda ICRC ayaa lagu xaqiijiyay tirada Askarta lagu qabtay dagaalkii dhawaan ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Hay’adda ICRC ayaa sheegtay in in ka badan 300 oo askari oo ka tirsan ciidamada Somaliland ay ku jiraan maxaabiis ku xiran magaalada Laascaanood, kuwaasi oo lagu soo qabtay dagaalladii ugu dambeeyay, waxaana hay’addu ay xaqiijisay inay jiraan askar dhaawac ah oo ay ku jiraan kuwo dhaawacyo culus qaba.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka ICRC-da oo soo baxay shalay oo Khamiis ahayd, waxa loo ogolaaday booqashadii ugu horreysay, waxaanay soo kormeereen in ka badan 300 oo maxbuus oo ka soo jeeda Somaliland.
Booqashadoodu waxay ujeedadeedu ahayd inay mudnaan siiyaan gargaarka bini’aadantinimo. ICRCdu waxay xooga saaraysaa muhiimada bixinta daryeel caafimaad oo ku filan, oo ay ku jiraan cunto iyo biyo, si kor loogu qaado bini’aadantinimada.
“Waa muhiim in maxbuus kasta, labada dhinac, loola dhaqmo si waafaqsan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada. Taas macnaheedu waa in qof kasta oo xiran uu heli karo cunto iyo biyo, oo aan waligiis la kulmin nooc kasta oo si xun loola dhaqmo,” ayuu yiri Pascal.
Cuttat, madaxa wafdiga ICRC ee Soomaaliya. Hay’adda ICRC oo kaashanaysa Hay’adda Bisha Cas ayaa afar qof oo dhaawac ah u qaaday isbitaalka weyn ee magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, halkaasi oo lagu daweyn doono.