|

Hay’adda Hirda oo deeq gar-gaar ah gaarsiisay qar ka mid ah xeryaha ay ku noolyihiin dadka Soo barakacay ee Gaalkacyo[Sawirro]

Gaalkacyo Nov 17,2013(SDN)-Xilli lugu gudda jiro xili roobadka ayaa waxaa roobabkii da’ay ay saameen ku reeben boqolaal qoys oo ku nool xeryaha dadka soo barakacay
ee ku yaalla magaaladda Gaalkacyo,waxana laga dayrinaya xaaladda ay xiligaan ku jiraan dadkaas.

Hay’adda Hirda oo ah mid ka shaqeysa arrimaha gar-gaarka dadka danyarka ah iyo kuwo soo barakacay ayaa deeq kala gadisan ka qeybisey
xeryo ku yaalla magaaladda Gaalkacyo,gaar ahaana xerada ay ku noolyihiin dadka soo barakacay ee Alla Aamin,waxana ay sheegtay
hay’addu inay xerada kaga dorteen kuwo ku yaalla Gaalkacyo maadamaa ay sheegen in xiligaan ay tahay xeradu meesha ay saameenta ugu xooggan ku reeben roobabkii da’ay.

Deqdaan ay Hirdo garsiisey xerada Alla Aamin ayaa isgu jirta Raashin,Maro kaneeco, Bacda roobka laga galo iyo agabyo kale,waxana
loo qeybiyey agabkaan illaa 150-qoys.

Xerada ayaa xilligii ay gartay hay’adda Hirda waxaa ka muuqaay bur-bur xooggan iyadoona la arkayey qar ka mid ah aqaladii ay dadkaasi ku
noolaayen oo bur bursan,maamulka xerada oo saxaafadda la hadlay markii ay deeq daan gartay ayaa si weyn ugu mahad-celiyey agabyada kala gadisan ee xiligaan la soo garsiiyey.

Guddoomiyaha xerada Alla Aamin Guleed,ayaa sheegay in xilligii ku haboona inay soo gartay deeq daan waxana u si ballaaran uu uga
mahdiyey hay’adda Hirda,waxana uu guddoomiyuhu inta ku daray in xaaladda xerada ka jirta ay tahay mid aad uliidata.

“Runtii hay’adda Hirda,waxaa an ad uga mahad-celinayna sida wanagsan ee ay deeq daan noo soo garsiisey,waxana maantay na soo gartay deeq isugu jirtay Raashin,Maro kaneeco, Bacda roobka,waxana noo keenay maamulka hay’adda Hirda,anaguna waxan agabkaan u qeybinay illaa 150-qoys oo ka mi ah dadka xerada ku nool,waxana Hirda ka dalbanayna inaysan joojin garab istaaga walaalahoda dhibaateysan wali xerada dhibaato ayaa ka jirta qashiin baa yaalla,biyana way dhooban yihiin dhaqaalo an isaga qadnana ma leh’ayuu yiri Guleed.

C/Qani Khaliif Carabey oo ah madaxa hay’adda Hirda ee gobolka Mudug,ayaa isna dhankiisa saxaafadda u sheegay in deeq daan ay tahay
mid deg deg ah oo ay ugu talla galeen inay kusoo celiyaan nolasha dadka ay saameeyey roobabku,waxana uu u sheegay dadkii xerada ku noola inay mar walba garab taagan yihiin oo ay caawin doonan maadamaa Hirda ay ka shaqeyso caawinta dadka soo barakacay ee dhibaatesan.

“Waxaan ugu talla galnay deeq daan inan ku caawino dadka walaalahena ah ee ku nool xerada,waana mid deg deg ah oo an ugu talla galnay inan ku soo celino nolasha dadka xiligaan dhibaatesan,marwalba waxaan ku dadaalayna sidii an u gacan qaban laheen walaalahena dhibaatesan”ayuu yiri C/Qani Khaliif Carabey.

Ma ahaa markii ugu horeyse ee ay hay’adda Hirda,deeq gar siiso dadka ku tabaalaysan xeryaha dadka soo barakacay ee ku yaalla
Gaalkacyo,balse waxaa jirta in marar hore sidaan oo kale ay u garsiisay deeq la mid ah mida ay maantay garsiisay.

 


Wabilaahi Towfiq
Abdiqani Khalif Ahmed ( Carabey )
Tel: +25290621638
Galkayo Somalia
Email:cabdiqani0903@gmail.com

Comments are closed