|

Hay’adda Amnesty International Oo Ku Eedaysay Koonfurta Afrika Inaanay Waxba Ka Qabanin Soomaalida Dhulkeeda Lagu Dhibaataynayo

New-York:June,13,2014(SDN/QU)-Hay’adda Caalamiga ah ee u Doodda Xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International ayaa ku Eedaysay Dawlada Koonfurta Afrika sida aanay waxba uga Qabanin Dhibaatada Lagu Hayo Somalida Dalkooda ku Nool.

amnessss Deprose Muchena, oo ah Agaasimaha gobalka u qaabilsan  Amnesty International ayaa sheegay in dowlada South Africa ay ku fashilantay ka hortagida rabshado maalmihii dambe ka soconayay dalkeeda oo u dhaxeeyay dad Soomaali iyo Koonfur Africaan ah, kuwaas oo sababay dhimashada hal qof oo Soomaali ah iyo dhaawaca 10 kale, sidoo kalana sababay in kabadan 76 Dukaaan oo Soomaali ay leedahay la bililiqaysto inta ay Rabshaduhu socdeen.

Deprose Muchena, ayaa sheegay in Rabshadaha ka dhanka ah Soomaalida ee Koonfur Africa ka soconaya ay yihiin kuwa aan loo dulqaadan Karin waxa uuna sheegay in Ciidamada Boliiska South Africa aanay imaanin xilliyada wax la badbaadin karo ee bililiqada iyo dilalku ay socdaan.

Hadalka hay’adda u dooda Xuuqul aadanaha ayaa imnaya xili maalmihii dambe rabshado uu dhiig ku daatay oo u dhaxeeyay Soomaali iyo Koomnfur African ay ka socdeen degaanka Mamelodi ee u dhow Magaalada pretiria ee dalka Koonfur Africa kuwas oo sababay in Muwadin Soomaaliyeed dhagax lagu dilo mid  kalana lagu dhawaco.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed