|

Hay’adaha Xuquuqda Aadamiga u Dooda Oo Waraaqo Luuqad Aad Ku Qoran Oo Ka Dhan ah Tacaddiga Soomaalida Islii U Diray Kenya

Nairobi:May,02,2014 (SDN/QJ)-Wali waxa Goobo kala duwan oo caalamka ku yaalla ka soo yeedhaya qaylo-dhaanta laga bixinayo Taallaabooyinka Naxariis-darrada ah ee ay Dawladda Kenya ku Hayso shacabka soomaaliyeed ee Dalkeeda ku sugan.

kekeWararka dhiillada leh ee arrintan la xidhiidha ayaa inta badan ka imanaya Hay’adaha u doodda Xuquuqda ahaamaha oo argagax ka muujiyey tallaabadaas ciidanka Kenya wali wadaan.

Warbixin ay soo saartay Hay’adda Xaquuqda aadanaha ee HRW ayaa lagu sheegay inay sii socdaan howlgalada lagu baacsanayo Soomaalida Xaafada Islii ee magalada Nayroobi taasoo ka hor imanaysa ilaalinta xaquuqda caalamiga ah,waxayna Hay’addu Kenya ugu baaqday inay joojiso tacadiga ay dadka rayidka ah ku hayso.

“Ciidamada Kenya ayaa joogteya cadaadiska dadka jilicsan oo ay ugu horeyaan Soomaalida sababtuna ma aha in Kenya ay raadineyso nabad u gaar ah, nabadu waxa ay ku jirtaa la dhaqanka bulshada, Soomaaliduna arinkaasi door muuqda ayey ku leeyihiin, dowlada Kenya waa iney dib u eegtaa dhaqdhaqaaqa ay wadaan ciidamadeeda” ayuu lagu yidhi warbixin luuqad adag ku qoran oo Hay’addaasi Kenya u dirtay.

Dowladda Kenya ayaa xaafada Islii ku tilmaamtay xaafada musuq maasuqa ee ciidanka Kenya ay ku badan yihiin taasina waxay keentay in Soomaalida degan si arxan daro ah loola dhaqmo.

Madaxwaynaha DF ayaa sheegay inay ka xun yihiin falka lagu raafayo shacabka Soomaaliyeed iyadoona aysan jirin ilaa iyo hada talaabo ay ka qaadeen arrintasi.

Safiirka Somalia ee Kenya Maxamed Cali Ameerica ayaa sheegay Dowlada Kenya inay raali galin ka bixiso xadhiga ay ciidanka Nayroobi u gaysteen Siyaad Maxamed Shire oo safaarada ka tirsan.

Sanadkii qaad ”Jaad”ku fadhiya malaayiin doolar ayay Kenya keentaa Soomaaliya waxana socda mooshin xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ay ka wadaan qaadka si dalka looga mamnuuco.

Warbixintan cusub eek a soo baxday Hay’adda u doodda xuquuqda Bani’aadamka, ayaa noqonaysa middii ugu lahjadda adkayd ee Kenya loo jeediyo, mase muuqato ifafaafle tilmaamaya inay u hoggaansamayso Jawaab-celinta ka soo baxaysa caalamka.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed