|

Hay’adaha Samafalka ee Somaliland ka hawlgala oo Tababar Dhaqanka ah Hargeysa looga furay

Hargaysa 01,May (SDN) Shir Sadex Geesood ah oo ay ka qayb galeen Wasaaradaha Arrimaha Dibada,Qorshaynta iyo Qoyska oo lagaga hadlayay Sidii Hay’adaha Sama falka ee degan Somaliland loo bari lahaa Habdhaqanka Bulshada Somaliland ayaa Maanta ka Furmay Huteel Maansoor ee Caasimada .

Shirkan waxaa furitaankiisii ka hadlay la taliyaha Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Aadan Ismaaciil waxaanu Xusay in Ujeedada ugu Weyn ee ay Tababarkan u soo qaban qaabiyeen ay salka ku hayso sidii hay’adaha Caalamiga ah ee dalka degen iyo kuwa Sama falka ay ugu bandhigi lahaayeen Taariikhda iyo hab dhaqanka bulshada Somaliland,Waxaanu Sarkaalkani Xusay inay Tahay Markii Lixaad ee ay Tababar Noocan oo Kale ah qabtaan  .

Aadan Ismaaciil Waxa uu Tilmaamay in Hay’adaha Sama falka Caalamiga ahi ay Si weyn uga helaan tababarada Noocan oo kale ah isla markaana ay ka helaan duruus la xidhiidha sidii ay ula falgali lahaayeen Mujtamaca ay ka dhex shaqaynayaan.

SDN-Hargaysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed