|

Hay’adaha la dagaalnka cudurka Dilaaga ah ee AIDS oo Hargeysa ku soo bandhigay waxqabadkoodii Sadedii Bilood ee u Danbeeyay

Hargaysa 01,May (SDN) Gudoomiyaha Komiishanka La Dagaalanka H/I/V ADIS Maxamed Daahir ayaa u qabtay Shir Sadex biloodle ah oo ay ku soo bandhigayeen hay’adaha ku shaqada leh Cudurka AIDS-ku Waxqabadkooda ay ka hirgaliyaan Somaliland .

Maxamed Daahir ayaa Sheegay in dhamaan Ururada Shirkan ka qayb qaadanayaa ay la yimaadaan Waxqabadkoodii Sadexdii bilood ee tegay iyo Qorshaha ku talo gal ee Sadexda bilood ee socda.

Agaasimaha Daawada ee Komiishanka Aidska Sahra Aadan oo Madashii Kulankaasi ka hadashay ayaa Tilmaantay in looga baahan yahay Ururada ka qayb qaadanaya Kulan hawleedkani inay soo bandhigaan qaabka ay uga hawl galeen Deegaamada Somaliland iyo sida ay u dabaqayaan qorshayaasha wax ka qabashada Cudurka Aidska .

SDN-Hargaysa

contact@somalidiasporanews

Comments are closed