|

Hay’adaha Caalamiga Ee Xuquuqda Saxaafadda U Doodda Oo Si Kulul Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Ugu Dhaleeceeyey Tacaddiyadda Saxaafadda Madaxa Bannaan

New york:09-April-2014(SDN)-Waxa Soo Kordhaya Dhaleecaynta iyo Cambaaraynta ay Ha’aydaha Caalamiga ah ee Arrimaha Saxaafadda Ka Hadlaa u jeedinayaan Hagardaamada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku Hayso Saxaafadda Madaxa Bannaan ee Dalka.

 

cccsInta Badan Hay’adasha U Doodda Saxaafadda ayaa Soo Saaray Qoraallo ay kaga Soo Horjeedaan Xadhigga Dhawaan Loo Geystay Xaruntii Wargeyska Haatuf oo Hargeysa ka soo Bixi jirey.

 

 

War-Saxaafadeed uu Soo Saaray Ururka Caalamiga ah eeCommittee to Protect Journalists(CBJ) Xafiiskiisa New York waxa lagu sheegay in Somaliland Albaabada isugu Laabtey Wargays Madax-banaan oo Af Somali Maqaalo ku Daabaca kaasi oo lagu MagcaaboHaatuf”

 

Sidoo kale isla Maalinta la xidhay Wargayskaasi Madax-banaan waxa isna Ciidamada Boolisku Shaqada ka Joojiyeen Wargays kale oo Isbuucii Mar soo baxa kaasi oo Luqadda Englishka ku hadla waxana lagu Magcaabaa”Somaliland Times.

 

CBJ Waxay ku Xustay War-murtiyeed ay Qaybisay[April 8, 2014]in Somaliland looga Fadhiyo inay ilaaliso Madax-banaanida Warbaahinta isla markaana ay ka Run Sheegto in ay Taaba Galiso Dimuqraadiyadda.

 

Sidoo kale Ururka Caalamiga ah ee isna u dhaq dhaqaaqa Warbaahinta International Federation of Journalists(IFJ) Nuqul uu soo Saaray Waxa uu ku Faah Faahiyay in Somaliland ay Joojiso Cabudhinta iyo Xadhiga Wariyaasha loo gaysto waxa kaloo ay Sheegtay IFJ in Somaliland Madaxdeedu ay ka Run sheegaan Qodobada ku Qoran Dastuurkooda ee dhigaya inay ilaaliyaan Xuquuqda Wariyaasha iyo Kuwa kale ee u Dhaq Dhaqaaqa Bini’adanimada.

 

IFJ oo Xiganaysa NUSOJ Waxay Tibaaxday in Boolisku ay Gudaha u Galeen Xarunta wargayska Haatuf isla markaana ku Amreen dhamaan Shaqaalihii iyo Maamulkiiba inay shaqada Gabi ahaanba Joojiyaan dibadana uga baxaan Xafiiska Wargayska.

 

Wariyaasha Aan Xuduuda Lahayn ee Degan France Paris REPORTERS WITHOUT BORDERS, waxay Soo Saareen Shalay iyana War-Saxaafadeed ay ku Xoojinayaan Kuwii ay soo Daabaceen Ururada Caalamiga ah ee ay isku shaqada Yihiin waxana ay Sheegtay Haweenayda Lagu MagcaaboMarie en l’absenceoo UrurkaasiXubin ka ah in Somaliland ay ugu Baaqayaan inay Raacado qaabka Wanaagsan ee loola Macaamilo Wariyaasha.

Baaqyadan ay Hay’adaha Saxaafadda u Doodaa Soo Saareen ayaa ka dambeeyey markii ay Xukuumadda Somaliland ALbaabada u xidhay Xaruntii Wargeyska Haatuf oo Xukuumaddu ku Eedaysay inay ku qanci weyday Hannaanka uu Wax u qoro.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

 

Comments are closed