|

Hay’ada Wadooyinka ee Punt land oo dayactir ku samaynaysa Jidadka burbursan ee Khatarta ku ah Nolosha dadka

Garoowe 23.Aug 2013 (SDN)-Hay’ada wadooyinka Puntland PHA ayaa rajo wanaagsan ka mujiisay inay dhamaystirto hawlgalka wadooyinka burbursan ee Laamiga Puntland lagu dayactirayo,

Gudoomiyaha Puntland Highway Authority Eng. Maxamuud Cabdinuur ayaa Radio Garowe uga waramay halka ay shaqada marinayaan iyo dadaalka ay ugu jiraan sidii loo horumarin lahaa wadooyinka ay burburku soo gaaraan taasi oo dadka iyo gadiidkuba ay ku qabaan dhibaato.

mk_2‘’Muhiimadda kowaad waxa noo ah sidii aaan wadada laamiga ah uga dhigi lahayn mid la mari karo, tan labaadna isku xirka degmooyinka iyo deegaanada fog fog anagoo kaashaneyna hayadaha Samafalka ayaanu ku jirnaa sida Jariiban, Eyl, Xaafuun iyo Baran’’ Ayuu yiri.

Waxa uu u mahadceliyay duqeyda degmooyinka oo uu sheegay inay xiriir wanaagsan la leeyihin hay’ada wadooyinka Puntland ee PHA, isagoona sidoo kalena ka hadlay qorshaha hay’adooda mudooyinka soo socda.

Inta u dhaxeysa Bossaso iyo Garowe ee laamiga ayaa ah mid wanaagsan, balse weli qaybo ayaa burbur xoogani ka jiraa dhanka wadada Garowe ku xirta Galkacayo taasi oo loo baahanyahay PHA inay u istaagto sidii loo dhamayn lahaa.

Garoowe SDN.

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed