Hay’ada Human Rights Watch oo ku baaqday in madxii sirdoonka Libaya Maxkamada denbiyada caalamka loo gudbiyo
New York Mar 19,2012(SDN)-Hay’adaha xuquuqda aadamaha sida amnesty international iyo Human Rights Watch ayaa maanta ugu baaqay dawladda Mauritania in ay gacanta ka galiso Mr Cabdalla Sanuusi Maxkamadda caalamiga ah ee dembiyada dagaalka ee Heeg, oo hore u soo saartay waarankii lagu qaban lahaa.
Waxana waaranka qabashadiisu uu ka dembeeyey markii xeer ilaaliyaha guud caalamiga ah Mr Luwis Akoombo ku eedeeyey Mr Sanuusi in uu geystay xasuuq bani aadamnimada ka dhan ah oo ka dhacay dalka Liibiya waqtigii kacdoon ku ka socday dalkaasi iyo ka hor, isagoo waqtigaasi ahaa madaxa nabad sugida dalka Liibiya.
Mr Sanuusi wax lagu qabtay madaarka caasimadda dalka Mauritania ee Nokshot, isagoo sita passport been abuur ah oo uu qaatay dalka Mali, hase yeeshee wuxuu kaga yimi Mr Sanuusi dhinaca dalka Morocco
Dhinaca kale, dawladda ku meel gaadhka ah ee dalka Liibiya ayaa iyana ka codsatay xukuumadda Mauritania in ay gacanta u soo galiso Mr Cabdalla Sanuusi, si maxkamad cadaalad ah loo hor keeno, waxa kale, oo ay dawladda faransiisku iyana dalbanaysaa in Mr Sanuusi loo soo dhoofiyo dalkeeda, isaga oo ku eedeysan inuu ka dembeeyey diyaarad rakaab ah oo la qarxiyey sannadki 1989kii.
SDN-New York