|

“Hay’ad wax ay qabato aan la garanayn oo lagu magacaabo NDC. Ayaa la Miisaaniyad ah 11-waasaradood oo waaweyn, taasina waxa ay caddaynaysaa in Lagu Saleeyey Nin Jeclaysi……..” Qaasim Sheekh Ibraahim

Hargeysa:12-Oct-2013(SDN)-Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa dhaliilo waaweyn u so jeediyey Odoroska Miisaaniyad-sanadeekda 2014-ka  oo haatan dooddeedu ka socoto Golaha Wakiillada Somaliland.

jamaal xaamudHoggaanka sare ee xisbiga waddani Oo Maalintii shala shir Jaraa’idku qabtay Xarunta Gobolka M\jeex ee xisbiga, ayaa si faahfaahsan Bulshada ugu soo Bandhigay xagal-daacyada Muuqda eek a soo ifbaxay Miisaaniyadda wasiirka maaliyaddu dhawaan Golaha u soo Gudbiyey, waxana ay Golaha ka codsadeen inay ka fiirsadaan dhaliilalaha iyo ceebaha miisaaniyaddan ku huursan.

 

Guddoomiye-ku-xigeenka Xisbiga waddani Qaasim Sheekh Ibraahim oo Ugu Horrayn Halkaas ka hadlay, ayaa  tilmaamay in Miisaaniyaddani tahay mid kala qaybinaysa Bulshada reer Somaliland, waxana uu ka digay in si dhibyar Goluhu gacanta ugu taago miisaaniyad ay ka buuxdo kala fuquuq iyo kala fogayn dhinaca Bulshada ahi.

Guddoomiye Qaasim ayaa sheegay inaanay umadda Somaliland Geyin in miisaaniyad qaabkan u dhigan lagu sii daayo,“waxanu Halkan ka sheegaynaa in aanaan raali ka ahayn Odoroska Miisaaniyadda Golaha Wakiillada  oo aanu u aragno mid aan ku habboonayn Dalkeena xilligan la joogo, waxanu labada Gole iyo dadka jecel Somaliland Horumarkeedaba, islamarkaana aan rabiin inay arkaan Somaliland oo Reer-reer iyo Gobol-gobol u qaybsan  u sheegaynaa in miisaaniyaddani  siddo xanuun Badan,”  ayuu yidhi Guddoomiye kuxigeenka Waddani Mudane Qaasim.

Mudane Qaasim oo sii wada Bandhiggiisa la xidhiidha ceebaha ku Gedaaman Miisaaniyaddan cusub, ayaa yidhi, “waxana ay inoo qaybinaysaa laba Qaybood, qayb dhexe oo miisaaniyaddii maamulaysa 91%, iyo shan qaybood(shan beelood) oo somaliland ka mid ah oo maamuli doona 9.5%.”, taasina waxa ay abuuraysaa foolxumo aynaan qaadi Karin, waxana aanu leenahay Goleyaashu dib ha  uga fiirsadaan, hana ka fikiraan inay  xa iyo somalilandnimo ku salaysan tahay.”

Sidoo kale waxa uu Qaasim Sheekh Ibraahim Tilmaamay in miisaaniyaddan ceebaheeda ugu waaweyni yihiin inay ictiraafkii Somaliland halis ku tahay, maadaama uu ka muuqdo Sed-bursiimo qaawan oo dhinaca Beelaha iyo G obolada ahi, waxana uu yidhi, “Dhallinyarada jaamacadaha ku jiraa marka ay akhriyaan miisaaniyadeenna waxa ay dareensiinaysaa inuu mid ka kale ka jecel yahay dalka, waana arrin dareen xun inagu keenaysa,  waxana ay miisaaniyaddani ictiraafkeenii gellinaysaa khal khal, maadaama  Ay Ardayda Qaarkood gelinayso dareen ah inaanu dalkaba ka tirsanayn mar haddii Beeshiisii oo uu ka soo jeedo wiilka ag fadhiyaa ay maamulayso 90% wax ka badan maamulayso, isaga Beeshiisiina ay gacanta ku hayso wax ka yar 1.4%, waana cudur iyo kala dil sidiisa u muuqda.”

Qaasim  waxa kale oo uu sheegay in Miisaaniyaddani tahay mid ay iskaga khaldan yihiin Wasaaradihii iyo Hay’adihii madaxa Bannaanaa, waxana uu farta ku fiiqay tiro wasaarado ah oo Hay’ad kali ahi ka miisaaniyad badan tahay, waxan uu yidhi, “Miisaaniyaddani waa mid ina kala fogaynaysa oo aad u foolxun, waxana miisaaniyaddan iskaga khaldan oo aanay kala garanaynba wasaarad iyo Hay’ad,  waxana ka muuqda    in 11-wasaaradood ay la miisaaniyad yihiin Hay’ad aan wax ala iyo wax ay qabato la garanyn oo la yidhaahdo Hay’adda Abaabul-ka-saarka qaranka(NDC)”

 

Qaasim Sheekh Ibraahim waxa uu xusay in miisaaniyaddani tahay mid lagu saleeyey qof jeclaysi, islamarkaana aan cilmi ku salaysnayn, waxana uu yidhi, “Miisaaniyaddani waxa ay ku salaysan tahay qof jeclaysi la leeyahay Wasaaraddaas ama Hay’addaas yaa jooga, waxana meesha ka muuqata inaanay     Haba yaraatee wax cilmi ah ku salaysnayn balse lagu saleeyey Qof jeclaysi, maantana Haddii aad miisaaniyaddan sii daysaan waxa ay keeni doontaa kala jab iyo kala fogaansho ku yimaadda bulshadan midaysan.”

Xasan Xuseen Codyare oo dhinaca Hantidhawrka u qaabilsan Xisbiga Waddani ayaa isaguna qaab cilmiyeysan oo Hufan u soo bandhigay meelaha ay miisaaniyaddani ka dheeliday, waxana uu sheegay in si taxadar leh loo eego miisaaniyaddan, “miisaaniyaddani maba ahayn in Golaha doodeeda la keeno, waayo waxa ka horreeyey in xisaab-xidhkii sanadkii hore la keeno Golaha dhexdiisa, Deeqo la bixiyo oo waddama qaarkood ina siiyaan ayaa jira oo dhinaca miisaaniyada lagu muujiyey in dhinaca ingiriiska iyo Denmark ka  yimaadeen oo $13.5milyan  ay tahay, miisaaniyadda dhinaca dakhliga waa lagu qoray laakiin kharashkii meeshii uu galayey laguma qorin, kolay madaxda Afrika dollarka way iska jecel yihiin in cid meel loo dhigayna waan u malaynayaa.” Ayuu yidhi Codyare.

Waxa kale oo uu Codyare farta ku fiiqay Hay’adaha madaxa Bannaan ee qaranka oo uu sheegay in sanadkan laga waawey dakhligii ay soo saari jieen, waxana uu xusay in dakhligoodii madaxtooyadu afka u dhigatay, waxana uu yidhi, “ Hay’adaha madax Bannaan ee inoo shaqeeya ee shaqada inoo qabtaa, waxa ay ahayd inay dakhliga kordhiyaan oo dhaqaale waddanka ku biiriyaan, markii aynu ogaynna way ku biirin jiree, laakiin maanta wixii ay ku biirin lahaayeen  waxa qaatay madaxtooyada, waana Hay’ado Miisaaniyaddiina ka hadhay dakhligoodiina meel kale ayaa loo leexiyey.”

Waxa uu xasan xuseen codyare sheegay  sharci darro ku tilmaamay lacago ka muuqda miisaaniyadaha wasaaradaha oo lagu magacaabo mid dayn ah, waxana uu tilmaamay inay lacagahaasi sharciga baalmarsan yihiin, waxana uu yidhi, “waxa jira lacago duuduuban oo miisaaniyadaha wasaaradaha la geliyo oo Biilasha taagan la yidhaahdo, waxana ay ku sheegaan Daymo nalagu leeyahay, waxana meesha loogu soo daray kharash ahaan waana sharci darro”

Xasan xuseen codyare waxa uu shacabka  u tilmaamay in iyadoo la caddeeyey in iyadoo ay mamnuuc tahay in shaqaale ku meel gaadh ah la qaato, haddana si hoose loo qaatay shaqaale, waxana uu yidhi, “Miisaaniyadda Gudaheeda waxa lagu caddeeyey inaanu wax shaqaale ah la qori Karin sanadkan, haddana waxa la qaatay shaqaale ku-meel gaadh ah oo mar hore la mamnuucay, arrintaasina sharciga ayey ka hor imanaysaa.”

Mar uu Codyare ka Hadlayey Hay’adaha sharcidarrada ah ee Haddana miisaaniyadda lacagta loogu daray, waxana uu Bannaanka keenay  in lacag aad u tiro badan uu wasiirka maaliyaddu si gaar ah oo madaxtooyadu la ogtahay uu khasnadda ugula Hadhay, waxana uu yidhi,“Hay’adaha sharcidarrda ee meesha ku jira waa 11-hay’adood oo ay ugu weyn tahay waaxda Khasnadda oo ka mid ah wasaaradda Maaliyadda oo Agaasimaha Guud hoos tagta, waxana lagu qortay $165-Billion, lacagtaana wax saxeexeeda leh wasiirka oo isagu gaar u leh miisaaniyad waxana marka la iskugu geeyo$215-Bilyan ayuu keligii maamulaa, waxana la og madaxooyada lacagtaas khasnadda lagu qarsaday.”

Codyare oo ka hadlaya tirada shaqaalaha dawladda oo si qarsoodi ah tiro aan hore loogu ogayn miisaaniyaddan loogu sheegay ayuu yidhi, “shaqaalaha sharciga ah ee dalku waxa inoogu dambaysay iyagoo maraya30- kun maraya, waxana ay maanta marayaan sida la sheegayo 47-kun, waana la arkayaan shaqo la’aanta haysata da’yarteeniiye goormaa la qoray  waxaas oo shaqaale ah, waxana la rabaa in la caddeeyo xilliga dadkaas la qaatay, Liiska shaqaalaha xukuumadda oo Derajaysanina miisaaniyadda wuu ka maqan yahay, waxana looga baahnaa inuu miisaaniyadda ku lifaaqnaado iyadoo Hay’adda Shaqaaluhuna soo saxeexday, mase hayno.”

Waxa kale oo isaguna Halkaas ka hadlay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Jamaal Jaamac Xaamud, waxana uu sheegay in xisbiga waddani  si buuxda u taageersan yahay dhismaha waddada Ceerigaabo-burco, waxana uu meesha ka saaray warar sheegaya in xisbgigu arrintaas ka soo horjeedo, isagoo si guud u tilmaamay inay diyaar u yihiin inay xisbi ahaan wixii karaankooda ah ka qaataan dhismaha waddadaas iyo waddooyinka kale ee dalkaba.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed