Hay’ad la Wareegtay adeega Caafimaad ee Xarunta Hooyada iyo Dhalaanka ee Cisbitaalka Kismaayo
Kismaayo 03.October 2013 (SDN)- Hay’ad caalami ah oo lagu magacaabo American Refugee Committee (ARC) ayaa maanta la wareegtay gacan ku heynta qeybta hooyada iyo dhallaanka ee isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Dr. Cabdisamad Abuukar Xaaji oo ka tirsan madaxda Isbitaalka ayaa sheegay in hay’adda ay bixin doonto mushaharka shaqaalaha, daawada iyo guud ahaan adeegga uu u baahdo qeybta hooyada iyo dhallaanka ee isbitaalka.
Wuxuu tilmaamay in arrintan ay wax weyn ka tari doonto yaraynta dhibaatooyinka ku yimaada hooyada iyo dhallaanka xilliga dhalmada iyo xilliyada kale.
Dr. Cabdisamad ayaa xusay in qeybta hooyada iyo dhallaanka ee isbitaalka Kismaayo uusan in muddo ah u shaqeyn si joogta ah.
Kismaayo SDN.
Qurbejoog,com