Hawshii xalka loogu raadinayey shaqaaqadii Deegaanka Oog oo caqabadi ku timi ka dib markii labada beelood midkood ku qanciweyday wixii la hor dhigay
Oog:24-Aug-2013-(SDN)-Isku dayadii laga dhex waday labada beelood ee ku wada nool Deegaanka God heeli ee Gobolka Sanaag si loo damiyo colaadda, ayaa ay caqabadi ku timi habsami-u-socodkiisii ka dib markii labada Beelood mid ka mid ah laga waayey Qaneeco.
Isku dayo illaa iyo maalintii khamiistii gelinkeedii dambe la waday, ayaan ilaa iyo habeenkii xalay saacadihii dambe wax horumar ah laga gaadhin, maadaama Beesha Sacad yoonis si cad u sheegtay inaanay wax heshiis ah oo degdeg gelaynin
Waftigii ballaadhnaa ee uu hogaaminayey wasiir waran-cadde ayaa iyaguna isku dayo badan ka dib habeenkii xalay ahaa faro madhan kala soo hoyday dhinaca Beesha Sacad yoonis, waxana lagu ballamay in waaga la sugo oo wada-hadalka halkaas laga sii wado.
Dhinaca Beesha Kale ee Biciide ayaa la sheegayaa inay iyagu shuruud la’aan ku aqbaleen inay wada-hadal galaan oo nabad raadiyaan, iyagoo ku ballan qaaday inaanay wax tallaabo qaadayn inta arrintu gacmaha waftiga ku jirto.
Wasiir waran-cadde iyo waftigiisa ayaa si aad ah dedaal ugu galay inay shalay galabtiiba labada dhinaca ka saxeexaan inay arrinta gacmaha waftiga ku wareejiyaan, islamarkaana ka dhaariyaan waxgaradka iyo cuqaasha taladu ka go’do, balse taasi ma ay dhicin maadaama dhinac ka mid kooxihii is hayey aanu diyaar u ahayn inuu gorgortan galo.
Waftgiga ayaa habeenkii xalay la hoyday waxba la’aan, waxana lagu kala seexday ina Maanta oo Sabti ah la gudo galo sidii arrinta xal hor leh loogu dooni lahaa, si meesha looga saaro khilaafka iyo colaadda labada beelood soo kala dhexgashay.
Dhinaca kale ciidamo tiro badan oo kuwa qaranka iyo Boolis iskugu jira, ayaa guud ahaanba la wareegay ammaanka goobihii lagu dagaalamay, waxana haatan Aagaas laga dareemayaa waxoogaa Degenaasho ah, iyadoo wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Cali waran-caddena amar ku bixiyey inaan la ogolaan doonin cid aan dawladda ahayn oo hub la mari karta Aaggaas colaaddu ka jirto.
Waftiga oo ku dedaalay inay arrinta muddo kooban kaga gungaadhaan, ayaa maanta oo sabti ah ku waabariisan doona dhinaca Beesha Sacad yoonis oo tirsanaysa Gardarro iyo dilal inkastoo labada dhinacba uu dilku dhacay, waxana ay waftigu qabaan inay maanta keeni doonaan wax heshiis lagu yahay si ay arrinta u galaan.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com