Hay’ada MSF oo ka Hadashay Sii daynta Laba Hawl Wadeenadooda ka Tirsan oo Laba Sanno Afduub loo haystay
Nairobi 19.July (SDN) Laba ka mida shaqaalaha hayada dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa la sheegay in dib xoriyadoodi u heleen ka dib markii ay kooxo dablay ah afduub ugu haysteen muddo ku dhow laba sanno.
Montserrat Sera iyo Blanca Thiebout oo u dhashay dalka Spain ayaa 13 October 2011 laga afduubtay Duleedka xerada Qaxootiga IFO 2 ee dalka Kenya kadibna loo soo kaxaystay gudaha Somalia.
War saxafadeed ka soo baxay hayada MSF ayaa arintan lagu shaaciyay .
” MSF waxaa ay si farxad leh u xaqiijineysaa in asxaabteena Montserrat Serra iyo Blanca Thiebaut, oo laga afduubay dalka Kiinya Octobar 13 keedi sanadkii 2011, in lasoo sii daayey, Labadooduba wey nabad qabaan waxaanna fileynaa in sida ugu dhakhsiyaha badan ay dib ugu biiri doonaan eheladooda” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay MSF.
Ma jirto fahfahin ku saabsan qaabka loo soo daayay labadan qof iyo cida haystay mudadii la soo dhaafay inkastoo ay MSF u mahadcelisay dhamaan dhinacyadii gacanta ka gaystay soo dayntooda.
MSF waxay canbaareysay weerarada lagu qaado shaqaalaha hayadaha Samafalka ah ee ku dadaalaya inay gargaari u fidiyaan qaxootiga Soomaliyeed ee ku dhaqan Xeryaha Dhadhaab.
Nairobi SDN.
Qurbejoog.com