|

Hawl wadeenada Wasaarada Caafimaadka oo kulan ugu soo xidhmay magaalada Burco.

Hargaysa 25.Jan(SDN) Wasaarada Caafimaadka ayaa Magaaalada Burco Maanta oo Jimce ah ku soo Xidhay Kulan Soconayay Mudo Afar Maalmood ah,oo ay ka qayb qaadanayeen ilaa Shan iyo Labaatan Xubnood oo ka kala socday Goobaha Adeega Caafimaadka ee Guud ahaan Gobolka Togdheer.

Kulankan ayaa waxaa Markii danbe laga soo saaray Gudi loogu magac daray Gudida ka shaqaynta arrimaha Wacyigelinta Bulshada,Gaar ahaan dhinacyada  Caafimaadka Caruurta iyo Bulshada,kaas oo ay hagi doonaan Maamulka Gobolka Togdheer isla markaana ay qayb ka yihiin hay’adaha kala duwan ee la shaqeeya Wasaarada Caafimaadka.

Isu Duwaha Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Togdheer Dr Cabdi Yaasiin Xaaji Saleebaan oo Madashii Xidhitaanka Kulankaasi ka hadlay ayaa ka waramay sida ay waajib u tahay in Xil la iska wada saaro arrimaha badbaada caafimaadka hooyada iyo dhalaanka iyo sidii ay isku xidh buuxda u yeelan lahaayeen goobaha adeega caafimaad ee Gobolka Togdheer,Isu duwuhu waxa uu ka qayb galayaashii kulankaasi ka dalbaday in duruustii ay qaateen ay uga faa’iideeyaan dadkooda.

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Guud ee Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Mudane Cali Sheekh ayaa Isaguna Sharaxaad kooban ka Bixiyay dadaalka ay Wasaarada Caafimaadku ugu jirto badbaadinta Ubadka yar yar iyo  la dagaalanka Cudurada Faafa,Waxa uu Agaasimahani intaas ku daray in baahi weyn loo qabo sidii ay hawl wadeenada Caafimaadku si Mug leh uga qayb qaadan lahaayeen Xakamaynta Lixda Cuddur ee Dilaaga ah,Maadama la galay xiligii Jiilaalka.

Hargaysa SDN.

 

 

Comments are closed