Hawl gal ay Ciidamada amaanka ee Burco ku qabqabteen afar nin oo looga shakiyay inay Alshabaab ka tirsan yihiin
Burco 21.Aug 2013 (SDN)- Ciidamada maamulka Somaliland ayaa xalay howlgal ay ka sameyeen magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ku soo qabtay afar qof oo looga shakiyay inay Xidhiidh la leeyihiin al-Shabaab.
Taliyaha booliska gobolka Togdheer, Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdiraxmaan Xasan ayaa warbaahinta u sheegay in afarta qof loo gudbiyay magaalada Hargeysa, si su’aalo loo weydiiyo.
Axmed Cabdiraxmaan ayaa tilmaamay in ciidanka ay soo qabteen afarta qof xilli ay ku guda jireen howlgal lagu sugayo ammaanka gobolka.
Waxa uu Geesta kale Gaashaanle Dhexe Axmed C.raxmaan ugu baaqay shacabka inay maamulka kala shaqeeyaan xoojinta ammaanka.
Magaalada Burco ayaa Xudun u noqotay Mudooyinkii Danbe Hawl galada Ciidamada amaanku kula tacaalayaan Xubno lagu tuhunsan yahay inay Xidhiidh la leeyihiin Kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta Somalia iyadoo Sannadkan oo Qudha laga qabtay magaaladaasi dad tiradooda lagu sheegay 13 Qof inkasta oo aan wax Maxkamad ah la soo taagin,Sidoo kalena la shaacin in Xoriyadoodii loo soo Celiyay .
Burco SDN.