Hawgalo lagu laayay xubno sare oo ka tirsan Al Shabaab
Beydhabo December 21, 2023 (QJ) -Deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed waxaa maanta ka dhacay duqeyn lagu beegsaday saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, weerarka ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Haawaay iyo Sablaale.
Wararka ayaa sheegaya in howlgalka lagu bartilmaansaday goob ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab. Sidoo kale waxaa la sheegay in mas’uuliyiintan ay shir ku jireen xilliga la weeraray.
Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab oo ku aadan weerarkan duqeynta ahaa ee dhawaan ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalkan oo ahaa midkii ugu dambeeyay ayaa daba socda weerar hore oo ka dhacay gobolada Jubooyinka, halkaasoo ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya ciidamo Mareykan ah ay la beegsadeen Al-Shabaab, waxaana weerarkaas lagu dilay ugu yaraan toban maleeshiyo, laguna burburiyay saldhig muhiim ah.
Soomaaliya ayaa wali waxaa ka socda howlgalo xoogan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay ka qeyb qaadanayaan dadka deegaanka, waxaana Shabaabka laga saaray deegaano badan.