Hawgal Al Shabaab lagu beegsaday oo ka dhacay Mudug
Xaradheere December 14, 2023 (QJ) -Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in deegaanka Baraag Cali Gaduud oo 31 KM dhanka koofureed kaga beegan degmada Xarar-dheere ee koonfurta Mudug uu ka dhacay howlgalo guulo ah oo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay ku qaadeen maleeshiyada Al-Shabaab.
Howlgalka wadajirka ah ayaa waxaa ka qeyb qaatay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, waxaana ka dhashay khasaare ballaaran oo soo gaaray Al-Shabaab. Ciidamada ayaa inta uu howlgalka socday waxa ay beegsadeen dagaal yahanada Al-Shabaab, waxaana ay burburiyeen gaadiid dagaal.
Sida ay sheegayaan wararka ciidamada ayaa howlgalka lagu soo qabtay labo nin oo ka tirsan Al-Shabaab, waxaana lagu burburiyay labo gaari oo ay wateen kooxda. Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgalkaasi uu ahaa mid looga gol lahaa in lagu ciribtiro khataraha Al-Shabaab iyo sidii loo sugi lahaa ammaanka gobolka.
Dhaqdhaqaaqa ciidan ee dhawaan laga sameeyay deegaanka Baraag Cali Gaduud ayaa ka dambeeyay kadib markii la ogaaday dhaq dhaqaaqyo ay ka wadaaan Al-Shabaab deegaankaasi. Howlgalkan ayaa qeyb ka ah istaraatiijiyad ballaaran oo ka dhan ah argagixisada deegaanada Galmudug si loo ciribtiro saameynta Al-Shabaab iyo sare u qaadista amniga guud.