|

Haweeney sheegtay in Burcad badeed Soomaaliyeed oo Qafaashay in ay Kufsadeen

Durban July 13,2012(SDN)-Lamaane u dhashay dalka Konnfur Africa oo gacanta Burcad badeeda Soomaalida ku jiray mudo 20tan bilooda ayaa saxaafada u soo bandhigay tacadiyadii loo geystay intii la heystay.

Bruno Pelizzari iyo Debbie Calitz ayaa saxaafada u sheegay in mudadii la hayay ay ku jireen qol madoow isla markaana aan loo ogoleyn in ay kor u hadlaan,wax ay qaban jireen oo kalena aaney jirin.

Debbie Calatiz Haweeneyda ay Burcadu afduubka ku heysatay ayaa sheegtay in mar danba gooni loo saaray oo dhakii oo idil laga saaray tiyoo qaawana qol lagu hayay.

Debbie waxa ay intaa ku dartay in Burcadu ay Kufsatay,balse aaney dooneyn in ay ka waranto wixii dhacay.

Sidoo kale mar ay dareenkeeda ka warameysay waxa ay sheegtay in aaney wax naceyba u heyn Burcadii kufsatay,bacdamaa aaney laheyn caqli intaa dhaama.

Sidoo kale lamaanaha ayaa damacsan in ay Buug ka qoraan waayihii ay mareen intii ay gacanta Burcad badeeda ku jireen.

SDN-Durban

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed