Haweeney Muqdisho ninkeedu ku gubay oo geeriyootay
Muqdisho February 02, 2024 (QJ) -Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ayaa maanta xaqiijiyay geeri ku timid Luul Cabdicasiis oo aheyd haweeney dhawaan ninkeeda uu ku gubay guri ay ka degeneyd tahay magaalada Muqdisho.
Qaar ka mid ah qoyska Luul Cabdicasiis ayaa iyaguna xaqiijiyay masiibadan, iyagoo sheegay in marxuumada uu soo gaaray dhawac aad u daran oo uu u geystay ninkeeda. Maalmo ka dib dhacdadan ayaa xaaladeeda caafimaad aad u xumaaday, waxaana ugu dambeyn ay ku geeriyootay Isbitaalka Digfeer.
Maamulka caafimaadka ayaa walaac ka muujiyay in kiiska Luul Cabdicasiis uu tusaale u yahay rabshadaha qoyska ee ka jira dalka, waxayna carrabka ku adkeeyeen baahida degdegga ah ee loo qabo tallaabooyin wax ku ool ah oo wax looga qabanayo arrimahan oo kale. Inkastoo ay socdaan dadaallo ay wadaan ciidamada ammaanka, ayaa haddana waxaa sii socda dhibaatooyinka la mid ah tii Luul loogeystay geysatay. booliska ayaa haatan baadi goobaya Luul nikeeda,