Haweenayda Soomaaliyeed Ee Caanka Ku Ah Aflegaadadda Diinta Islaamka Oo Niyadjabkii Ugu Weynaa Kala Kulantay Jaamacad Maraykan ah
Boston:11-April-2014 (SDN)-Jaamacadda Brandeis University Oo Ka mid ah Jaamacadaha ugu caansan Dalka Maraykanka, ayaa ku Dhawaaqday inay ka Noqoyay Qorshe ay Doonaysay inay Ayaan Xirsi Cali oo ah Haweenay Aflegaaddaysa Diiinta Islaamka Ku Siiso Shahaado Sharaf.
Ayaan ayaa ka mid ahayd 4-qof oo ay Jaamacadu hore u qorshaysay inay Siiso Shahaado Sharaf,balse Qorshahaas Gebi ahaanba waa la Beddelay.
Haweeneyda Asalkeedu yahay Soomaali, oo heysata dhalashada dalka Holland ayaa loo si cad loogu diiday in lag guddoon siiyo shahaadadaas, kaddib markii maamulka Jaamacadda Brandeis University ee dalka Mareykanka ay kulan ka yeesheen arrintaasi ayna go’aan ku gaadheen in wax shahaado sharaf aan mudneyn in la siiyo Ayaan Xirsi Cali.
Ayaan Xirsi Cali, oo horrey u sheegtay inay Diinta Islaamka ka baxday ayaa fadeexo iyo dharbaaxo xun ku noqotay inay ka mid noqoto Afar qof oo ay Jaamacadaasi qorsheyneysay inay bisha soo socoto ee May18-keeda guddoon siiso shahaado sharaf.
Inta badan kulliyadaha ay ka kooban tahay Jaamacadda Brandeis University ayaa mas’uuliyiinta maamusha waxa ay ka qoreen Ayaan Xirsi Cali warqad ay uga soo horjeedaan in haweeneydaasi shahaado la siiyo.
Afhayeenka golaha xidhiidhka muslimiinta ee dalka Mareykanka, Ibraahim Hooper ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado tahay in Jaamacad magac iyo sumcad leh ay shahaado ku sharafto Haweeney cadeysatay inay diinta islaamka ka baxday, fikrado naceybna uu ka buuxo.
Ugu dambeyn, Haweeneyda lagu magacaabo Ayaan Xiri Cali oo dhowr jeer hore shaacisay inay Diinta Islaamka ka baxday, hadane Aflagaadeysay ayaa fadeexo weyn iyo ceeb ka dhaxashay markii Jaamacadda Brandies University ay ku dhawaaqday inay kala noqotay shahaado sharaftii.
Tallaabadan Haweenaydan lagaga hor istaagay Shahaadadan ayaa loo Aanaynayaa Cadaadis muslimiinta Maraykanku ay saareen Arrintaas, waxana la Baahiyey in isku Daygaasi hore uu Jaamacadda Sumcadeedda iyo dhexdhexaadnimadeeda wax weyn u Geysanayo Haddii ay Dhacdo, waxana ay Taasi keentay in qorshahaas wax badan laga Beddelo.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com