Haweenaya Hore u Ahaan Jirtey Ilaalada Madaxweyne Qaddaafi Oo Sir Xiiso Badan Kashiftay
Tripoli:Nov,04,2014(SDN/QJ)-Gabadh kamid ahayd Haweenkii ilaalada khaaska ah u ahaan jirtey Hoggaamiyihii dalka Libiya ee Geeriyooday General Qadafi, ayaa markii ugu horraysay si cad u sheegtay sirta ka dambaysay inuu Haweenka askar ka dhigto.
Haweeneydan oo lagu magacaabo Caa’isha Cabdi Salaan Sayid Cali ayaa sheegtay in Qadaafi uu doonayay inuu caalamka ka iibiyo Fikrad ah inuu isku xuquuq ka dhigay haweenka iyo raga u dhashay dalkaasi,sida ay Caaisha ugu warantey wargeyska DNA ee kasoo baxa dalka India.
Caa’isha oo ah Kornaylad ayaa sheegtay inay ahayd qof aan la qabin oo gaaf wareegi jirtay hogaamiyahaas dhibka badan ee rabitaankiisa ku saleyn jiray wax kasta, waxana ay muddo kamid ahayd Haweenkii gaarka u ilaalin jirey.
Sidoo kale Caaisha ayaa sheegtay in Qadaafi uu haweenka askarta ah iyo ilaaladiisa gaarka ahba ka mamnuuci jiray guurka, isagoo u arkayey in ay ka mashquulayaan howlahooda ciidannimo, sida u tibaaxdey gabadhan ilaalada gaarka ah u ahana jirtay Macammer El-Qaddaafi
Waa markii ugu horeysay oo Sarkaaladani ay kashifto sirtan ka qorsooneyd dadka la yaabanaa sababta uu Qadaafi ilaalo uga dhigan jiray Haweenka u dhashay dalkaasi.
Madaxweynihii la dilay ee dalka Libya Mucamar Al-qaddafi, ayaa waxa uu ilaalo ka dhigan jirey haween dhallinyaro ah oo tababarro adag qaba, waxana arrintaas si weyn looga hadal hayaa ilaa iyo haatan caalamka kale oo dhan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com