Haweenay 17-Jir ah Oo Ku Guulaysatay Billada Qaaliga ah Nabadda Adduunka
Islamabad:Oct,10,2014(SDN/QJ)-Gabadha lagu Magacaabo Malala ee u dhalatay Dalka Pakistan, ayaa Noqotay Qofkii ugu da’da yara ee Abid ku guulaysta Billada Dunida laga Ixtiraamo ee Nobel Peace Price-ka Loo Yaqaano.
Haweenaydan oo caan ku ah udooddida Waxbarashada Gabdhaha ayaa waxa Sanadkan Billada kula guulaystay Kailash Satyarthi oo u ololeysa xaquuqda caruurta lagu shaqeysto.
Malala oo 17 jir ah waa qofkii ugu d’a yaraa ee abaalgudkan la guddoonsiiyo, waxana ay ku mutaysatay Dedaal dheer oo ay kusoo jirtey xilliyo adag oo Xoogaga Daalibaan ay dhibaato badan ku hayeen.
Taalibaan ayaa madaxa ka toogtay sanadii 2012-ka iyadoo u ololeyneysay waxbarsahada gabdhaha, waxana loo qaaday Dalka Maraykanka oo lagaga daweeyey dhaawacaas gaadhay.
Guddiga abaalgudkan bixiyey waxa uu sheegay in gabdhahan ay ku muteysteen abaaulgudkan ”halganka ay u galeen la dagaalanka cabbudhinta caruurta iyo dadka d’ada yar”
Malala ayaa noqonaysa qofkii ugu da,yaraa ee abid ku guulaysta bilada Nopelka ee nabada,Walina kama jawaabin warkani wanaagsan sobobtoo ah iskoolka ayay ku jirtaa,waxaana warbaahintu sugayaan marka iskoolka kasoo baxdo.
SDN/QJ