|

Haween Waynaha Beelaha Daa’uud Ismaaciil (Cidagale) Oo Lacag Xadigeedu Badanyahay Ku Wareejiyay Guddida Dhismaha Waddada Cad + Eeg Sawirada

???????????????????????????????Hargaysa:16,June,2014(SDN/QJ)- Haweenwaynaha beelaha Cidagale ayaa lacag Dhan 81,235 kun oo dollar(Kow Iyo Sideetan Kun  IYO Laba Boqol Iyo Shan Iyo sodon Dollar )  ku wareejiyay guddida dhismaha waddada cad ee isku xidhaysa hargaysa iyo salaxley .

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday hotel dalxiis ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiye Ku Xigeenka Guddida Dhismaha Waddada Cad Sh.Maxamed Cali Geedi .Gudoomiyaha Guddida Beesha Caqil Rashiid Maxamed Jaambiir .Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees . Haweenkii lacagta wareejinayay . Madax dhaqameed dhalinyarao aqoonyahan iyo marti sharaf kale,

Waxaana ay haweenku xafladaasi si rasmi ah lacagtaasi ugu wareejiyeen gudoomiye ku xigeenka guddida dhismaha waddada sh.maxamed cali geedi .

Iyadoo ay xusid mudantahay in haweenkan lacagta wareejinayay ay ahaayeen 8 Ardaa oo ka mida beesha cidagale halka Laba Ardaa oo kalane dhawaan ay soo wareejin doonaan lacagta ay iska soo uruuriyeen .

Ugu horeena waxaa xafladani ka hadlay sh.maxamed cali geedi oo si wayn ugu mahadnaqay haweenkaasi dadaalka ay muujiyeen isagoo ku amaanay kaalinta ay kaga jiraan dhismaha waddadani isla markaana ku tilmaamay in yihiin tiirka ugu muhiimsan ee ay ku socoto waddadani .

SDN/QJ-Hargaysa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

010608aaaasafbasba

 

 

Comments are closed