|

Haween Soomaali ah oo Dacwad lagu oogay ka dib kolkii ay min laba goor ay Codeeyeen

Minneapolis July 16,2013(SDN)-Laba ka mida Haweenka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Minneapolis ayaa lagu soo oogay denbi ah in ay min laba goor codeeyeen doorashooyinkii November ka dhacay dalka Mareykanka.

Farxiya Cabdi Dool oo 38 jir ah iyo Amina Xasan oo 31 jir ah ayaa labaduba min laba goor codeyeen sida lagu xusay dacwada lagu soo oogay.

Labada Haween ayaa sheegay in ay doorashooyinka ka hor is diiwaan geliyeen maalintii doorashadana ay Codeeyeen.

Dacwada ayaase lagu xusay in ay labada haween codeeyeen xili horu dhac ah oo loo yaqaano absentee ballott,oo fursad u siiya muwaadiniinta ay codkooda sii dhiibtaan ka hor maalinta doorashooyinku dhacayaa.

Ma cada cida ay u codeeyeen labaan haween ee Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Minneapoils xaafada Rice County.

Hadii Haweenkan Soomaaliyeed ee min labada goor codeeyay ayaa hadii denbigani ku cadaado waxa ay muteysan karaan xarig shan sanadooda ah iyo min toban kun oo dollar oo ganaax ah.

SDN-Minneapolis
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed