Hargeysa:Nin Ku Lebisan Xijaab iyo Indha-shareer Oo Gacanta Lagu Dhigay Xalay
Hargaysa:June,22,2014(SDN/QJ)-Habeenkii xalay waxa ay ciidamada Booliska ee Magaalada Hargeysa Gacanta ku dhigeen Nin la sheegay inuu ku lebisnaa Jilbaabka iyo indha-shareerka dimarku xidhaan, kaas oo dhex lugaynayey Badhtamaha Magaalada.
Ninkan ayaa la sheegayaa inay soo qabteen dad shacab ah oo ka shakiyey Qaabkiisa iyo Hannaankii uu u soconayey, kuwaas oo si iskood ah u baadhay, isla-markaana Ogaaday inuu Nin yahay, waxana ay ku wareejiyeen Gacanta Ciidamada Ammaanka.
Ninkan oo shaki badan abuuray ayaa lagu xidhay Saldhiga dhexe ee Magaalada Hargaysa, kaasoo laga soo qabtay meel wax yar u jirta Istaanka basaska u baxa Xaafada Idaacada, halkaasoo ay dadweyne badan ku qabteen, isla markaana ay ku dul jeex-jeexeen Xijaabkii iyo Niqaamkii dumarka ee uu gashanaa.
Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay Hay’adaha ammaanka tafaasiil oo cad ka bixinaya Ninkan ay shacabku qabteen iyo Ujeedada uu u isticmaalay Dharka, waxase jira shaki ah inuu ku lug lahaa arrimo Argagixiso iyo falal ka dhan ah ammaanka Dalka.
Shacabka magaalada ayaa si weyn ilaa iyo xalay u hadal hayey ninkan la qabtay, waxana ay qabashadiisu Magaalada ka dhalisay Muran iyo Dood la xidhiidha Sababta uu u xidhay Dharka Dumarka.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com