Hargeysa:Dayaca Dadka Ku Nool qaybta Dhimirka oo Cirka Isku Shareeray iyo Haweenay Maskaxda Ka Jirranayd Oo Dhagax Qudha Kaga Jartay Midka Kale Oo Xarunta Kula Noolayd
Hargeysa:06-Jan-2014(SDN)-Waxa Haatan Halkii ugu xumayd maraya Cisbitaalka Guud ee Hargeysa gaar ahaan Qaybta Waallida, iyadoo Xaaladdu gaadhay in Dadkii ku jirey ay Nafta iska Gooyaan.
Sida ay saraakiil ka tirsan Khakhtarku u sheegeen Shabakadda Wararka ee Qurbejoog.com, waxa laba Habeen Ka hor xarunta Dhimirka ee Hargeysa Hospital Qudha laga gooyey Haweenay Maskaxda wax uga dhinnaayeen oo Halkaas ku jirtey Muddo aad u dheer.
Haweenay ka mid ah dadka ku nool dhakhtarka ayaa la sheegay inay Dhagax kaga Gooysay Marxuumadda geeriyootay, waxana la sheegay in Saacado ka dib la ogaaday in dhakhtar dhexdiisa uu dil ka dhacay.
Wararka ayaa intaas ku daray inaan markii dilku dhacayey oo ahayd abbaaro 11:00pm, aanay cidiba joogin xarunta Waallida, waxana taasi keentay in haweenaydaas dhagax qudha lagaga gooyo, islamarkaana dhiig bax badan ka dib ay halkaas nafteedii ku weydo oo maydkeeda xilli dambe la arko.
Haweenaydan la sheegay inay Dilka Geysatay, ayaa ahayd mid iyaduna maskaxda ka xanuunsaynaysa oo ka mid ahayd dadka iskaga dayacan xaruntan, waxana la sheegay inay Dhaawacyo kale oo kala duwan u geysatay shakhsiyaad kooban oo ka shaqaynayey xarunta oo isku dayey inay qabtaan.
Maydka marxuumadda dhimatay ayaa la sheegay inuu maalmo ku jirey Qolka maydka ee dhakhtarka, waxana la tilmaamay in la waayey wax ehel ah oo u yimaadda kadibna la aasay.
Xarunta dhimirka ee Dhakhtarka Hargeysa, ayaa ka mid ah meelaha ugu dayaca Badan ee ka jira waddanka, waxana maalin walba la sheegaa inay dayac iyo darxumo ugu geeriyoodaan qaar ka tirsan dadka Maskaxda ka jirran ee halkaas ku jiraa, xukuumadduna wali iskuma ay deyin inay dadkaa silcaya wax u qabato.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com