|

Hargeysa: Xukuumadda Oo Xabsiga u Taxaabtay Dhakhaatiir Borama Ka Soo Jeeda Oo Xamar Siminar Kaga Qaybgalay, Kuwii ay Shirka Muqdisho u Dirsatayna Gelbis kusoo Dhaweysay

Hargeysa:14-Nov-2013 (SDN)-Dawladda Somaliland ayaa maalintii shalay xabsiga u Taxaabtay Saddex Dhakhtar oo ka tirsan Jaamacadda Camuud, kuwaas oo ka soo noqday Casuumad ay ka heleen Dhiggooda Jaamacadda Banaadir ee Magaalada  Muqdisho.

dhakharDr Cabdirashiid cumar sheikh Ibraahim, madaxa kuliyada ilkaha ee   jaamacadda Camuud, Dr Mumin iyo Jibriil oo iyaguna ka tirsan Bahda Caafimaadka ee Jaamacadda Camuud, ayaa ciidanka Sirdoonka Somaliland ka  qabteen Madaarka Cigaal International aroornimadii Hore ee shalay, waxana loo dhaadhiciyey xarunta Ciidanka Socdaalka Hargeysa oo ay ilaa xalay ku xidhnaayeen sida uu Borama news u xaqiijiyey  Dr Cabdirashiid.

Dhakhaatiirtan oo ka soo laabtay siminar ay magaalada Muqdisho kaga qeybgaleen oo ay Ha’aydda WHO u  bixinaysay, ayaa muqdisho ka soo raacay dhakhaatiir kale oo reer Somaliland ah, kuwaas la tuhunsan yahay inay Rabitaanka Xukuumadda kaga qaybgaleen shirkii caafimaadka ee Halkaas ka dhacay, waxana  dhakhaatiirka jaamacadda Camuud ee xidhani sheegeen in raggaas shirk aka qaybgalay ay si xor ah garoonka uga soo degeen.

Dr Cabdirashiid ayaa si cad u sheegay in raggii shirka qayg galay ee ay xamar iska soo raaceen aan waxba la weydiin oo iyaga oo kaliya si badheedh ah loo qabqabtay, “ Aniga iyo dhakhaatiir kale oo jaamacadda Camuud ka tirsan oo siminar kaga qaybgalay magaalada Muqdisho ayaa madaarka nalagu qabtay, Raggii shirkaas ka qaybgalay oo Hargeysa iyo Burco ka socday oo la garanayaana si xor ah ayey garoonka kaga Baxeen” ayuu yidhi  dr Cadbirashiid.

Dr cabdirasiid waxa uu sheegay in si Kedis ah markii ay garoonka ka soo degeen looga qaaday waraaqahoodii aqoonsida loona gudbiyey xarunta ciidanka Socdaa, waxana uu yidhi, “aniga iyo labadii khakhtar ee kale waxa nalaga qaaday aqoonsigayagii, waxana nala geeyey Xarunta Hay’adda socdaalka oo aanu Haatan ku xidhanahay,   annaga waxa na casuumay Hay’ada,  Jaamacadda Banaadir ayaanu siminar ku gelaynay, shirkana waanu la kulanay uun ee annagu isaga maanu tegin, waxa jirey dad badan oo Burco iyo meelo  ka yimi  gobolada kale ee Somaliland oo shirkaas ka qaybgalay.”

 

Dr Cabdirashiid oo Hadalkiisa sii wata, ayaa yidhi, “   waxa ay u egtahay in magacayaga la sii dhigay madaarka, waxana ay naga qaadeen aqoonsigayagii, sababta naloo xidhayna ilaa iyo imika cidi nooma sheegin,Waxa nalagu yidhi mar dambe ayaanu idiin sheegaynaa ee halkaas Jooga, waxana u arkaa khalad in jaamacadaha  iyo waxbarashada la siyaasadeeyo, qolyaha kale waxa ay ka socdeen cisbitaallo iyo Meelo kale oo Somaliland ku yaalla sida magaalooyinka Burco iyo Hargeysa oo nala socday si caadi ahna Madaarka wey uga Baxeen oo cidi lama ay Hadlin”

Waxa uu sheegay Dr Cabdirashiid in xataa qolada Socdaalka ee haatan ay gacanta ugu jiraan aanay ka qancin sababta rasmiga ah ee ay raggani ku xidhan yihiin,  “Qolada immigration-ku madaxda ka ah halkan aanu ku xidhanahay waxba  nooma ay sheegin sababta iyo cidda na xidhay midna nalooma sheegin oo waanu iska joognaa uun wali.” Ayuu yidhi cabdirashiid.

 

Tallaabadan ay xukuumaddu qaaday ayaa loo arkaa inay  uga danleedahay in dhakhaatiirtan reer Boorama aanay wax fasax uga qaadan tegitaankooda magaalada Muqdisho, halka ay ka fasaxday kuwii shirka sida tooska uga qaybgalay oo la aaminsan yahay inay xukuumaddu meesha u diratay gaar ah wasaaradda caafimaadka oo mar hore Beenisay ayaa la aaminsan yahay inay fasaxeeda meesha ku tageen.

Sida ay sheegayaan wararka hoose ee warbaahinta soo gaadhayaa, dhakhaatiirta reer Boorama markii ay Xamar tegayeen wax fasax iyo Ogaysiis midna ma ay weydiisan xukuumadda, halka ay kuwa Hargeysa iyo Burco ka ambabaxayey ee shirka tegayey ay fasaxa iyo oggolaanshaha xukuumadda ku tageen, waana sababta keentay in labadii Nin ee Wada socday ee isku meesha ka yimi midna loo xidhay kii kalena uu xorriyadda garoonka uga soo degey.

Arrintan ayaa marka dhinaca kale laga eego beeri karta Necbaanshiiyo gaar ah oo reer Borama ku abuuranta, waxana Xukuumadda looga fadhiyaa inay u illimo Bixiso oo caddayso sababta labada dhakhaatiir loo kala godbaday ee midna loo gelbiyey midna loo taxaabay.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed