|

Hargeysa: Xafiisyadii Qaybaha Kala Duwan Ee Dawladda Oo Maalintii Labaad Haawanaya, Masuuliyiintii Oo Shirka Kulmiye Fadhiya iyo Shacabkii Oo Meehanaabaya

Hargeysa:April,29,2014(SDN/QJ)-Gebi ahaanba waxa Maalintii labaad oo isku xigta Haawanaya oo aanay wax shaqo ahi ka soconin Xafiisyada Waaxaha kala Duwan ee Dawladda Somaliland ku leedahay Magaalada Hargeysa, iyadoo Masuuliyiintii shaqada lahaydna ku  Hawlahoodii u dayaceen Shirweynaha Xisbiga Kulmiye.

hahaHawlwadeenada Qurbejoog.com, ayaa Maalintii labaad Kormeer ay ku sameeyeen Xafiisyo tiro badan oo ay leeyihiin Wasaaradaha kala duwan ee Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, Dawladaha Hoose, Baarlamaanka iyo waliba Hay’adaha Dawliga ah ee Wasaaradaha ka madax bannaan ayey ku soo ogaadeen inaanay shaqo ka jirin goobahaas loogu talo galay in shacabka loogu Adeego, waxana ay masuuliyiintii xafiisyadaasi dhammaantood ku mashquulsan yihiin oo shaqadoodii ku dayaceen Shirweynaha Kulmiye oo maalintii labaad ka socda Hargeysa.

Xafiisyada ayey Hawlwadeenada Shabakadda Qurbejoog.com ku arkeen Masuuliyiin ay ugu sarreeyaan Agaasime-waaxeedyo hoose, iyadoo  Goobaha wasaaradaha ah xataa ay agaasimayaashii Guud dhex fadhiyaan Shirka kulmiye.

Goobaha Dawlada Hoose ee Hargeysa iyada ilaa iyo shalay shaqo kama ay soconin, waxana ay masuuliyiintii ugu sarraysay ee Hawsha lahayd ku sugan yihiin Huteelka uu  shirku ka socdo ee Mansoor.

Sidoo kale Masuuliyiinta Hay’adaha wasaaradaha ka madaxa bannaana ayaa dhammaantood dhex fadhiya shirka, iyagoo banneeyey Xafiisyadii ay dadweynaha ugu adeegi jireen, waxana ay dadkii shacabka ahaa Meehanaabayaan xafiisyo cidlo ah oo aan shaqo ka jirin.

Xubanaha Baarlamaanka ayaa iyagu xataa u baajiyey inay furan Kalfadhigooda 24-aad oo ay ahayd inay Toddobaadkan badhtankiisa Furaan, waxana ay doorbideen Guddoonkiisu inay Arrimaha Xisbiga ka Doortaan kuwii ay qaranka u hayeen ee ay u dhaarteen.

Madaxtooyada ayaa ka war haysa dayacaadda lagu hayo arrimihii shacabka, waxana ay u muuqataa mid aan dhibba u arkin in wasiirrada iyo masuuliyiinta kale ee Dawladdu wakhtiga ku lumiyaan Shirka dhexdiisa oo aanay bulshada u shaqaynin.

Ma aha Hargeysa oo kaliya Goobta ay Xafiisyada Dawladdu Faaruqa yihiin,  balse sida ay sheegayaan Hawl-wadeenada noo fadhiya Xafiisyada ku  yaalla Magaalooyinka kale ee Somaliland, masuuliyiintii Dawladdu waxa ay dhammaantood isku soo shubeen Hargeysa, iyagoo Haatan ku dhex sugan Shirweynaha Xisbiga.

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed