Hargeysa: Wararkii u dambeeyay ee hirdanka Maayarnimada iyo go’aamada lagu kala seexday
Hargeysa April, 13 2013 (SDN)- Saddexdii maalmood ee u dambeeyay waxa Hargeysa si xoogle uga socday loolanka loogu jiro maayarnimada magaalada, iyadoo xubno dhawr ahi ay u ordayaan xilkaas.
Kadib markii todobaadkii hore Hargeysa lagu aasay maayarkii Hargeysa marxuum Yuusuf Warsame Siciid oo la doortay dhawr bilood kahor, kaasoo 7-dii bishan xanuun uu muddo la jiifay ugu geeriyooday Dubai, waxa magaalada laga dareemay dhaqdhaqaaq ku saabsan loollanka loogu jiro jagada banaanaatay, iyadoo xubno dhawr ahi hungureeyeen xilkaas.
Warku wuxuu intaa ku daray, in xubno dhawr ahi ay isu taageen jagadaas, kuwaasoo ay ka mid yihiin; Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), Cusmaan-Waxar, Saleebaan Daahir (Dogox), Cabdicasiis Maxamed Habane (Sisto) iyo xubno kale.
Siday ilo xogogaal ahi u sheegeen shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, waxa jiray xubno hab qabiil lagu kala reebay, sida Cabdiraxmaan-Soltelco iyo Cismaan-waxar, inkastoo la sheegay in Mr. Cismaan-waxar aanu u hoggaansamin qaraarka ay guddi beeshiisa ahi ku talisay ee la xidhiidhay inuu ka hadho tartankaas.
Siday wararku sheegayaan, waxa jiray xubno labadii maalmood ee u dambeeyay si wayn ololahooda uga dhex waday xubnaha golaha Deegaanka, kuwaasoo qaarkood ay lacago iyo balanqaadyo kale u xodxodanayeen xildhibaanada.
Hase yeeshee, waxa la sheegay in xubnaha golaha Deegaanka 25-ka xubnood ka koobani ay Axadda beri fadhi ka yeelanayaan, si ay u doortaan maayar cusub, kadib markii ay qoraal ogolaansho oo fasax ah ka heleen wasiirka Daakhiliga Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur).
Wararkii u dambeeyay ee naga soo gaadhay loolanka maayarnimada caasimadda Hargeysa, waxay sheegeen in caawa lagu kala seexday in Cabdiraxmaan-Soltelco loo dooranayo maayarka cusub, iyadoo ku-xigeenkii horena uu sii joogi doono xilkaas. “Dhinacayagu waxaanu haysanaa codad nagu filan, ugu yaraana ilaa 14 xubnood, waanan ku kalsoonahay in guusha codayntu dhinacayaga noqon doonto,” ayuu yidhi mid ka mid ah xildhibaanada golaha Deegaanka Hargeysa, kana tirsan xubnaha qorshahan bud-dhigaha ka ah. “Cabdiraxman-Soltelco waxaanu u dooran doonaa maayarka cusub, iyadoo ku-xigeenkii hore Cabdicasiis Cagaweyne uu sii ahaan doono ku-xigeenkiisa,” ayuu raaciyay.
Mr. Cabdiraxmaan-Soltelco waxa uu ka mid yahay 7-da xubnood ee xisbiga Kulmiye uga soo baxay golaha Deegaanka Hargeysa.
Si kastaba, waxa la eegi doonaa waxa ka soo baxa fadhiga beri, iyadoo doorashadii maayarkii hore ay xubnaha golaha deegaanku ku qaybsameen, isla markaana ay fadhigaas ka maqnaayeen 10 ka mid ahi.
Qurbejoog.com, Hargeysa