|

Hargeysa: Ururka VOSOMWO oo qabtay kulan lagu taageerayo Murashaxiinta beelaha Lahayb-sooco iyo in bulshadaasi wakiilo ku yeelato goleyaasha dalka (Daawo Sawirada)

Hargeysa 21, November 2012 (SDN)- Ururka Codka Haweenka bulshada Lahayb-sooco oo magaciisa loo soo gaabiyo VOSOMWO, ayaa maanta magaalada Hargeysa ku qabtay kulan ku saabsan sidii loo taageeri lahaa murashaxiinta bulshadaas uga qaybgalaya tartanka doorashada Deegaanka Somaliland oo hadda todobaad keliyi ka hadhsan yahay.

Kulankan wadatashiga ah, waxa ka qaybgalay xildhibaano ka tirsan goleyaasha Baarlamaanka, Agaasimeyaasha guud ee wasaaraddaha Caddaalada iyo Khaarajiga, Madax-dhaqameedka beelaha Lahayb-sooco, murashaxiinta iyo waxgarad kale oo ka tirsan beelahaas.

Ugu horayn, guddoomiyaha ururka VOSOMWO Nimco Iid Salaan oo hadal ka jeedisay kulankaas, waxay faahfaahin ka bixisay ujeedada kulankaas loo qabtay iyo dedaalka ururkoodu ugu jiro taageerida bulshada Lahayb-sooco.

Marwo Nimco Iid Salaan waxay tilmaantay in kulankan oo hal maalin qaatay uu xidhiidh la leeyahay kulamo uu ururkoodu hore ugu qabtay gobollada dalka, kuwaasoo la xidhiidhay sidii ay bulshada Lahayb-sooco loogu dhiirigelin lahaa ka qaybgalka siyaasadda Somaliland.

Suldaan Naasir Sul. Ismaaciil oo ka mid ah madax-dhaqameedka beelaha Lahayb-sooco oo hadal ka jeediyay munaasibaddaas, waxa uu sheegay in badi beeluhu gudahooda ku kala qaybsan yihiin murashaxiinta doorashada. Sidoo kale, waxa uu ka hadlay baahida loo qabo in la taageero murashaxiinta bulshada Lahayb-sooco, si loo suurtogeliyo inay wakiilo ku yeeshaan goleyaasha dalka.

Xubno ka mid ah murashaxiinta bulshadaas oo hadalo ka jeediyay halkaas, waxay muujiyeen siday u taageersan yihiin isu-tanaasulka dhexdooda, si loo suurtogeliyo inay doorashada ku soo baxaan murashaxiin metelaya bulshada Lahayb-sooco.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Caddaalada Somaliland Mr. Maxamed Muuse Xaaji Cabdi (Galaydh) oo isna hadal ka jeediyay kulankaas ururka VOSOMWO qabtay, waxa uu ka xog-waramay dhaqanada bulshada Soomaalida guud ahaan. Sidoo kale, waxa uu xusay in beelaha Lahayb-soocaa ay dhinac walba kala mid yihiin beelaha kale ee Soomaaliyeed, balse waxa uu tilmaamay sida loogu baahan yahay in bulshada Lahayb-soocaa ay dhexdooda midoobaan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Khaarajiga Somaliland Mr. Faysal Cali Sheekh oo gebogebadii hadal kooban ka jeediyay kulankaas, waxa uu amaanay doorka uu ururka VOSOMWO ka qaato horumarinta bulshada Lahayb-sooco iyo hawlaha uu ururkaasi dalka ka qabto. “Hawlaha uu ururka VOSOMWO wadaa waa kuwo faa’iido leh,” ayuu yidhi Agaasimaha guud ee wasaaradda Khaarajiga Somaliland. Sidoo kale, waxa uu ku dhiirigeliyay in bulshadaasi ay dhexdooda midoobaan, waxna wada qabsadaan.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed