Hargeysa: Ururka SOHACSO oo 60 Dhallinyaro ah u furay Tababar Farsamada Gacanta ah
Hargeysa 18, June 2012 (Qurbejoog.com)- Ururka SOHACSO ayaa 60 dhallinyaro ah oo wiilal iyo gabdho isugu jira, tababar lagu baranaayo xirfadaha dawaarka iyo nijaarnimada uga furay magaalada Hargeysa.
Munaasibadda furitaanka tababarkan oo ka dhacday xarunta ururka SOCSA ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mustafe Maxamed Qodax, Maxamed Axmed Jaamac oo ka mid ah musharaxiinta urur-siyaasadeedka DALSAN magaalada Hargeysa uga sharaxan, masuuliyiinta ururka SOHACSO iyo dhallinyarada tababarkan loo furay.
Tababarkan farsamada gacanta lagu baraayo dhallinyarada waxa maalgeliyey safaaradda Maraykanka ee magaalada Nairobi, waxaana hirgelinaaya ururka SOHACSO, kaas oo socon doona muddo shan bilood ah.
Guddoomiyaha ururka SOHACSO Mr. Saleebaan Faarax Habane, ayaa isagu dhallinyaradan ku boorriyey inay ka faa’iidaystaan tababarka loo furay, isaga oo la socodsiiyey in lagu kormeeri doono siday wax u dhigtaan, isla markaana inta si fiican u dhammaysata shaqo abuuris loo samayn doono.
Mr. Maxamed Axmed Jaamac oo ka mid ah musharaxiinta cusub ee ururka DALSAN uga sharaxan Gobolka Maroodi-jeex, ayaa isagu dhallinyarada ku dhiirigeliyey inay ku dedaalaan barashada xirfadaha kala duwan si ay ugu shaqaystaan dalkoodana wax ugu soo kordhiyaan, waxaannu tilmaamay in loo raadin doono shaqo ay ku dul tababartaan markay dhammaystaan tababarkan.
Agaasimaha dalada Dhallinyarada ee SONYO Mr. Siciid Maxamed Axmed, ayaa isagu u mahadnaqay ururka SOHACSO aadna dhallinyarada ugu dhiirigeliyey inay u baydhaan barashada xirfadaha.
Agaasimaha Guud ee Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mr. Mustafe Maxamed Qodax, ayaa isagu shaaciyey in xukuumadoodu ku tala jirto samaynta man-haj iyo dugsiyo u gaar ah farsamada gacanta, kuna amaanay SOHACSO tababarkan ay ardayda u fidiyeen.
Mr. Mustafe Qodax waxa uu daboolka ka qaaday in dhallinyaradu shaqo kala heli lahayd, hadday baran lahaayeen farsamada gacanta.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com