Hargeysa: Suldaan Caleemo saarkiisii saacado ka hor xabsiga loo taxaabay
Hargeysa, 10, May 2012 (SDN)- Ciidamada booliska Magaaladda Hargeysa ayaa xabsiga u taxaabay Cawil Maxamed Fiiqle oo maanta loo diyaarinayay inu suldaanka beesha Dan-Wadaago.
Ciidamada booliska Magaaladda Hargeysa ayaa xidhay Cawil Maxamed Fiiqle, iyadoo munaasibadii lagu caleemo saarayey la diyaariyay oo ay ku sugnaayeen boqolaal qof oo ka mid ah beesha Dan-Wadaago oo ka soo qayb-galay xaflada caleemo saarka oo lagu qabanyey huteelka Shiraaqle ee bariga Magaaladda Hargeysa.
Xadhiga Cawil Maxamed Fiiqle ayaa dareenno cadho leh ku abuuray dadkii joogay Madashii la doonayey in lagu caleemo saaro, waxaana goobtaas hadalo ay ku naqdinayaan xadhigaas ka jeediyay goobtii caleemo saarka.
Boqor Raabbi Yuusuf Cabdilaahi oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa isaguna halkaas ka jeediyay hadal uu ku cambaareeyay xadhiga Suldaankan cusub “Maaha in beesha suldaanka Caleemo saareyna la cabudhiyo oo cid gaar ah loo cabudhiyo”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Kuwo Daba-dhilifyo ah ayaa doonaya inay beesha isku dilaan, laakiin waxaan u sheegaynaa in aanay is-dilaynin” ayuu yidhi Boqor Raabbi.
Waxa kale oo madashaas ka hadlay, isla markaana naqdiyay xadhiga Cawil Maxamed Fiiqle madax-dhaqameed iyo odayaal ka qaybgalayay caleemo-saarkaas.
SDN, Hargeisa