|

Hargeysa: Shirkadda Telesom oo munaasibaddii 11aad ee Abaal-marinta Shaqaalaheeda ku maamuustay hawlwadeenada hantiyay qiimayntii shaqo-wanaagga 2013

Hargeysa 14, March 2014 (SDN) – Shirkadda ugu wayn Isgaadhsiinta gobolka Geeska Afrika ee Telesom, ayaa magaalada Hargeysa ku qabatay munaasibaddii 11aad ee ay abaalmarino ku guddoonsiiso shaqaalaheeda, gaar ahaan hawlwadeenadii ugu fiicnaa sannadkii tegay ee 2013.

Munaasibadda oo xalay lagu qabtay hotelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa, waxa ka qaybgalay Wasiirka Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska, Cali Siciid Raygal, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, gudoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin, Culimo-awdiin, Salaadiin, Maamulka Sare ee Shirkadda Telesom, xubno metelayay ururada bulshada rayidka iyo shaqaalaha Telesom.

guddoonsiinta abaalmarinta Telesom ee shaqaalaheedaXafladan oo ahayd munaasibaddii 11-aad ee Abaal-marinta shaqaalaha shirkadda Telesom, waxa shahaadooyin lagu siiyay shaqaalihii kaalmaha koowaad iyo labaad ka galay qiimayntii shaqaalaha ee sanadkii 2013, kuwaasoo la gudoonsiiyey abaal-marino lacageed iyo shahaadooyin lagu dhiirigalinayo shaqadii wacnayd ee shirkadda Telesom u soo qabteen. Shaqaalahan shahaadooyinka la gudoonsiiyey waxay ka kala socdeen xarunta guud ee shirkadda Telesom ee magaalada Hargeysa iyo xarumaha ay shirkaddu ku leedahay gobolada dalka Somaliland oo dhan.

Ugu horayn, waxaa furitaankii xafladda ka hadlay maamulaha Waaxda Shaqadda iyo Shaqaalaha ee Shirkadda Telesom, mudane Cabdiqaadir Maxamed Sahal, waxaanu sharaxaad dheer ka bixiyey marxaladaha shirkadda Telesom ay u soo xulato shaqaalaha, siday aqoontooda u dhisto, qaababka ay shirkadu u dhiirigaliso shaqaalaha, noocyada dheefaha kala duwan ee shirkaddu siiso iyo ujeedada qiimaynta shaqaalaha laga leeyahay.

ka-soo-qaybgalayaashaMr. Cabdiqaadir Sahal waxa uu ku nuuxnuuxsaday kaalinta ay shaqaaluhu horumarka kaga jiraan horumarka shirkadda. “Haddii la waayo shaqaalo hawlkar ah, waxay shirkadaasi noqonaysaa shirkadda fadhiid ah, si loo helo taasi waxaa loo baahan yahay in la helo shaqaale ku haboon hawsha shirkadda,” ayuu yidhi. Wuxuuna intaa ku daray, “Qofkasta oo shirkadda Telesom ka mid ah waxa uu dareemayaa jawi xasilooni oo shaqadiisa aamni uu ku yahay oo aanu ka cabsi qabin in shaqadda si fudud looga eryi karo”.

Hawl-galiyaha  guud ee shirkadda Telesom mudane Ciise Maxamud Faarax  oo isna madasha ka hadlay, ayaa mahadnaq u soo jeediyey shaqaalaha shirkadda Telesom ee sanadkii 2013 shaqadda wayn u soo qabtay shirkadda Telesom. Gudoomiye Ciise ayaa sheegay in dhibaatada dalka ka jirta ee shaqalo la’aanta ahi ay ugu wacan tahay dadkeenii oo aan diyaar u ahayn shaqadda qofkastana uu doonayo in uu noqdo qof shaadkiisu cad yahay.  Gudoomiyaha ayaa yidhi, “Maanta haddii la yidhaahdo shirkadda Telesom shaqo ayaa ka banaan waxaa laga yaabaa in 2000 ama 3000 oo qof soo codsadaan, haddii la yidhaahdo dawladda Hoose shaqo ayaa ka banaana waxaa laga yaabaa in aanay dad badani soo codsan”.

Gudoomiye Ciise Maxamud Faarax ayaa ka digay akhtarta ay dalka ku keeni karto shaqooyinkii hoose ee ay gacanta ku hayaan dadka ajaanibka ah, kuwaasoo uu tilmaamay in ay hadhow ubadkoodu kala wareegi doonaan, taasina mustaqbalka dalka ay halis galin karto.

Sheekh Almis Yaxye oo isna hadal ka jeediyay madasha, waxa uu xusay in diinta Islaamku ay dadka ku boorisay in shaqo kasta oo uu qofku qabanayo uu u qabto sida ugu fiican, joogteeyana. Waxa kale oo uu sheegay in horumarka lagu gaadho in la tayeeyo qofka shaqaalaha ah, iyadoo laga tayeynayo dhanka maskaxda iyo qalbiga, si uu qof u noqdo mid aamin ah oo hawlkar ah. Sheekha ayaa mar uu ka hadlaayey shaqo la’aanta dalka ka jirta, waxa uu sheegay in shaqooyinkii sarena ay hayaan dad ajaanib ah oo tiradooda lagu qiyaasay 5000 oo qof, kuwaasoo qaata musharax u dhexeeya $3,000 ilala $4,000 oo dollar, isla markaana qiyaas ahaan sanadkii qaata $20 milyan oo dollar, taasoo uu xusay inay shaqo u abuuri karto 20,000 oo dhalinyaradeena Jaamacaddaha dalka ka qalinjebiyay ka mid ah.

DSC05530Waxaa isna munaasibaddan 11-aad ee Abaal-marinta shaqaalaha Telesom ka hadlay Suldaan Axmed Daahir oo ku hadlaayey afka Salaadiinta Somaliland ayaa sheegay in shirkadda Telesom iyo shirkadaha kale ee dalku ay iyagu samaysteen shaqaalahood.  Suldaanka ayaa ku guubaabiyey shirkaddaha kale in ay ku daydaan shirkadda Telesom.

Gudoomiyaha Daladda Haweeenka ee NAGAAD Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi oo ku hadlaysay afka haweenka ayaa hadaladeedii waxaa ka mid ahaa, “Runtii waxaan uga mahadnaqayaa shirkadda Telesom abaal-marinta ay shaqaalaheeda gudoonsiinayso. Waxaanan shirkaddaha kale ugu baaqayaa in ay ku daydaan”.  Marwo Kaltuun Sheekh Xasan ayaa shirkadda Telesom ugu baaqday in ay ka qayb-qaadato wacyi galinta bulshadda oo kolba meeshii u baahan in bulshadda laga wacyi galiyo ay fariimo gaagaaban u dirto bulshadda.

Gudoomiyaha Daladda SONYO Mubaarik Cismaan Taani oo isna ku hadlaayey afka dhalinyaradda Somaliland ayaa xusay in shirkadda Telesom ay shaqaalaheedu u badan yihiin dhalinyaro waxaanu u hambalyeeyey shirkadda Telesom oo uu ku sheegay in ay tahay shirkadda kaliya ee nooceeda ah oo bilowday in ay Abaal-marin gudoonsiiso sanad walba si xidhiidh ah shaqaalaheeda.

DSC05704Gudoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Xisbiga Kulmiye muddane Maxamed Kaahin oo isna munaasibaddan abaal-marinta shaqaalaha shirkadda Telesom ka hadlay waxaanu yidhi, “Aad iyo aad baan uga mahadnaqayaa madaxda shirkada Telesom sida ay u soo agaasimeen xafladan abaalmarinta shaqaalaha shirkadda Telesom”.  Muddana Kaahin ayaa sheegay in dal kasta horumarkiisu uu ku xidhan yahay shaqaalihiisa in la dhiiri galiyo shaqaalaha ay keento in horumar lagu sii talaabsado. Gudoomiye Maxmed Kaahin ayaa mar uu tilmaamayey doorka ay shirkaddaha Isgaadhsiinta iyo xawaaladuhu ka soo qaatay horumarka dalka waxa uu sheegay in ay dalka meel dheer kala soo dhaceen oo ay maanta wax badan bulshadii horumarkeedii u sahleen. Gudoomiye Maxamed Kaahin ayaa shirkadda Telesom iyo shirkaddaha kala ka codsaday in ay siyaasiyiinta ka dhigaan mobaylada tirada badan ee kala jaad-jaadka maadama ay hadda gaadheen aqoontii lagu midayn lahaa.

Ugu dambaytnii waxaa xaflada soo gabagabeeyey Wasiirka Dhalinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Mudane Cali Siciid Raygal oo ku hadlaayey afka golaha wasiiradda Xafladda ka soo qayb-galay. Wasiirka ayaa mahadnaq iyo hambalyo u soo jeediyey Shirkadda Telesom iyo shaqaalaheeda, waxaanu sidoo kale uga mahadnaqay shirkadda Telesom sida ay ula shaqayso xukuumadda Somaliland.  Wasiirka ayaa sheegay in runtii ay jirto in dalka ay ka shaqeeyaan dad ajaanib ah, waxanu tilmaamay in hawshaasi loo baahan yahay in la iska kaashado.

Wasiirka ayaa fariin u diray dhalinyaradda dalka ee ku sii qulqulaaya waddamada reer galbeedka waxanu dhaar ku maray wasiirku in aanay Yurub, Maraykanka iyo Waddamada Eeshiya aanay midna oolin shaqo sharaf leh oo uu qofku suud iyo tay u soo xidho balse uu shaqooyin hoose oo dalkeenaba ka banaan uu ka qabto wadamadaas. Wasiirka ayaa sheegay in ay jiraan dhalinyaro intay meel qurux badan isku soo sawiraan  in ay dhalinyaradda kale facebook-ga usoo dhigaan ka dibna dhalinyaro badan ay naftooda khatar galiyaan, ka dibna marka ay meesha gaadhaan ay la kulmeen qofkii oo meel hoosaysa ka shaqaynaya.  Wasiirka ayaa codsaday in bahalka facebook-ga laga wadda shaqeeyo sidi dhinac fiican loogu adeegsan lahaa mar haddii aan la joojin karin.

Gabo-gabadii xafladda Abaal-marinta shaqaalaha Shirkadda Telesom waxaa abaal-marin la gudoonsiiyey shaqaale tiradoodu gaadhayso dhawr iyo sodon shaqaale ah kuwaasi oo ku guulaystay kaalmaha kowaad iyo labaad. Shaqalaas oo ka kala yimid gobolada dalka oo dhan. Waxaan shaqaalaha abaal-marinta gudoonsiiyey wasiiradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta, Diinta iyo Aw-qaafta iyo guddoomiyaha shirkadda Telesom mudane Cabdikariim Maxamed Iid.

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed