Hargeysa: Shirkadda TELESOM oo adeegyo wax-ku-ool ah ku soo bandhigtay Carwada Labaad ee Somaliland (Akhri oo DHEGEYSO)
Hargeysa 8, July 2012 (SDN)- Shirkadda ugu wayn Isgaadhsiinta gobolka Geeska Afrika ee Telesom, ayaa adeegyo wax-ku-ool ah oo aad loogu riyaaqay ku soo bandhigtay Carwada Ganacsiga Somaliland oo shalay ka furantay Hargeysa.
Madaxa qaybga Ganacsiga ee shirkadda Telesom Mr. Cabdiwahaab Maax oo hadal ka jeediyay furitaankii Carwaddaas, waxa uu bulshada reer Somaliland ugu bushaareeyay inay daah-fureen adeeg sahlaya in isticmaalayaasha fariimaha electarooniga ah ee shirkadda Google (Gmail accounts) ay si lacag la’aan ah fariimo email ah ugu soo diri karaan Telefoonada Gacanta (Mobiles) ee shirkadda Telesom.
Mr. Maax waxa uu tilmaamay inay adeeggan oo ay iska kaashanayaan ay ugu talogaleen si dadka reer Somaliland ee Qurbaha ku dhaqani si fudud oo lacag la’aan ah ula soo xidhiidhaan eheladooda dalka gudihiisa ku sugan ee sidata Telefoonada Telesom.
Sidoo kale, waxa uu munaasibaddaa ka shaaciyay, daah-furka adeeg muhiim ah oo loogu talogalay inay ka faa’iidaystaan hooyooyinka uurka lehi, kaasoo la magac-baxay Shaafi, si ay macluumaad Caafimaad oo xaaladahooda la xidhiidha uga heli karaan.
Haddaba halkan ka dhegayso khudbadda Mr. Maax
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Maax.MP3″]
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com