|

Hargeysa: Shir ay laba sannadood ka dib xukuumaddu ku qiimaynayso waxyaabihii u qabsoomay iyo barnaamijyada qabyoobay oo ka furmay Madaxtooyada

Hargeysa 06, October 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta furay kulamo ay yeelanayaan golaha Wasiiradu.

Kulankan oo ka furmay xarunta Madaxtooyada, waxa uu socon doonaa muddo saddex maalmood ah, waxaana lagu qiimaynayaa waxyaabihii xukuumadda u qabsoomay, waxyaabaha aan fulin iyo ku talogalka qorshahooda 2013.

Shirka oo ah kii u horeeyay noociisa ee ay golaha Wasiirada Xukuumaddu maalmo xidhiidh ah ku qiimeeyaan waxqabadkii sannadihii tegay, waxa sidoo kale lagu dersi doonaa caqabadaha wasaarad kasta ka horyimi fulinta waxqabadkeeda.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed