Hargeysa: Saxaafadda Madaxabanaan oo go’aamisay in guddi todoba xubnood ah ergo loogu diro Madaxweyne Siilaanyo
Hargeysa 20, November 2012 (SDN)- Kulan ay maanta saxaafadda madaxabanaan ee Somaliland ku yeelatay magaalada Hargeysa, ayaa laga soosaaray go’aamo dhawr qodob ka kooban.
Kulanka waxa lagu faaqiday sida ugu haboon ee ay saxaafadda madaxabanaani uga hortegi karto Xeerka Sirdoonka Somaliland oo hadda saxeexiisu horyaalo Madaxweyne Siilaanyo, waxaana lagu go’aamiyay in guddi ergo ah loo diro Madaxweynaha.
Qoraal uu Xoghayaha guud ee SOLJA Mr. Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax ka soosaaray kulankaas, waxa uu u dhignaa sidan; “Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa Kulan uu soo qaban-qaabiyey oo ay isugu yimaadeen dhamaan Masuulyiinta Hay’ada warbaahinta Madaxababaan ee Somaliland, oo maanta,(20/11/2012) ka qabsoomay Hotel Impiral ee Magaalada Hargeysa, ayaa laga lafa guray qaabka ugu haboon ee Warbaahinta Madaxbanaan ee Somaliland ay uga hor tagi karto Xeerka Hay’ada Shirdoonka Qaranka (Xeer no:59/2012).
Xeerka Hay’ada Shirdoonka Qaranka (Xeer no:59/2012) oo ay ku jira Qodobo ka hor imanay Dastuurka Qaranka isla markaasina khatar ku ah Xoriyatul Qawlka iyo shaqada Warbaahinta Madaxbanaan ee Somaliland, ayaa ay hore Golayaasha Baarlamaanku ansixiyeen hada hor yaala Madaxweynaha Somaliland.
Shirkaasi ay maanta Warbaahina Madaxbanaan ee Somaliland yeelatay ayaa waxa lagu go’aamiyey arimahani:-
1. In Gudidi ka kooban todoba xubnood oo Warbaahinta ah Ergo loogu diro Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, si ay Gudidu Madaxweynaha uga codsato in aanu Xeerka Sirdoonka Qaranka ee Horyaal (Xeer no:59/2012) Saxeexin, isla markaasina uu dib ugu celiyo Golayaasha Baarlamaanka.
2. In Warbaahinta Madaxa banaan ee dalku ay Shacabka Somaliland iyo Bulshada Caalamka u soo bandhigto Qodobada Xeerkaasi ku jira ee ka hor Imanaya Dastuurka iyo Shuruucda kale ee dalka, Qodobadaasi oo khatar ku ah Xuquuqda Muwaadiinta iyo Saxaafada Somailand.”
Magacyada Gudida.
1. Mustafe Sacad Dhinbiil.
2. Maxamed Cabdi Curad.
3. Yuusuf Cabdi Gaboobe.
4. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto).
5. Axmed Cabdiraxmaan Xirsi (Heelo).
6. Maxamed Xuseen Jaamac (Ramboo)
7. Cabdilaahi Aadan Cumar (Wayab).”
Qurbejoog.com, Hargeysa