|

Hargeysa: Roob mahiigaan ah oo muddo hakiyay isu-socodka dadweynaha

Hargeysa 23, April 2012 (Qurbejoog.com)- Roob si wayn loogu farxay, ayaa galabta ilaa caawa ka degay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, kaasoo dhaliyay daadad xoogan.

Roobkan oo bilaabmay abaaro 5:30 galabnimo, waxa uu si xidhiidh ah u da’ayay dhawr saacadood, wuxuuna dhaliyay daadad soo rogmaday oo muddo hakad geliyay isu-socodka dadka iyo gaadiidka isticmaalayay jidadka caasimadda.

Roobkaas oo ahaa mid xoogan, waxa uu sababay in qaybo ka mid ah magaalada Korontada laga damiyo, si looga hortago in dhibaatooyin ka dhashaan.

Waxa Korontada ay magaalada siiyaan damiyay inta badan shirkaddaha adeegga dhinaca Laydhka bixiya ee magaalada, iyadoo daadadka roobkaas ka dhashay uu in muddo ah hakiyay socodka gaadiidka yaryar ee tirada badan ee isticmaala jidadka caasimadda, gaar ahaan goobaha biyo-mareenada ah oo daadad xoogani marayeen.

Ilaa hadda ma jiro wax khasaare ah oo la sheegay inuu roobkaas ka dhashay, iyadoo todobaad ka hor roob kooban oo xilli habeenimo ah da’ay uu sababay Danab ku dhacay agagaarka Taar-dheer, kaasoo gooyay qaybo ka mid ah xadhkaha hay’adda Korontada dawladda, gaar ahaan kuwa dabka geeya xaafaddaha bariga magaalada qaar ka mid ah.

Roobkan galabta iyo caawa ka da’ay magaalada Hargeysa iyo agagaarkeeda, waxa uu ku soo beegmay xilli dhawrkii maalmood ee u dambeeyay uu jiray kulayl aad u sareeya.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed