Hargeysa Oo Noqotay Magaalo Maalinba dhan Loo jeesto Iyo Amar kale oo lagu badalay isku socodka waddooyinka magaalada.
Hargeysa,8july,2015(QJ/SDN)-Maayar xigeenka Caasimada hargeysa Cabdicasiis Cagaweyne iyo Taliya taraafikada ayaa maanta si rasmi ah ushaaciyay in isbedel lagu sameeyay qaar kamid wadooyinka halbawlaha u ah caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Masuuliyiintani waxay sheegeen in Gebi ahaan isbedel lagu sameeyay wadada Wadnaha ee magaalada Hargeysa taso hormarta Madaxtooyada Somaliland loona qaadi dhinaca galbeed balse iminka ay gawaadhidu u mari doonaan dhinaca bari halka bedelkeedna wadada Marta cusbitaalka guud ee hargeysa oo u kici jirtay dhinaca bari ee Caasimada lo adeegsan doono in gaadiidku umaraan dhinaca Galbeed.
Amarkan kediska ah ee ay Soo saartay xukumaddu ayaa dhaqan galkiisa lagu sheegay maalinta beeri ah.
Dhowaan ayay ahayd markii Sidan oo kale uu wadooyinka caasimada ee halbawlaha isbedel ku sameeyay wasiir Warancadaha arimaha gudaha waxana talaabadani u muuqata mid dawlada hoose kaga jawaabay faragelintada uu shaqadooda ku sameeyay Wasiirka arimaha guduhu waxana wararku tibaaxayaan in xiligaasi maamulka Degmada Hargeysa ka cadhoodeen talabada Warancadde hal subax kula waaberistay Caasimada Si kedis ahna amarkiisa ugu dhaqan geliyay walow ay waxbadan ka tartay isu socodkii gaadiidka ee hakadka geli jirey.
Isbedbedelkan kediska ah ee dawladu ku samaynayso wadooyinka iyo dadka gaadiidka ku kaxaysta caasimada oon intoo badani dareewalo ahayn balse ka adag kusoo adeegashadooda ayaa halis ku ah shilalka iyo khasaaraha gaadiidka.