|

Hargeysa: Musjico aan hore loogu arag Somaliland oo maanta ka dhacday Cusbataalka Gargaar

Hargeysa May, 29 2013 (SDN)- Cusbataalka gaarka loo leeyahay ee Gargaar ee magaalada Hargeysa waxa maanta ka dhacday arrin fajac gelisay in badan oo bulshada ka mida ah, kadib markii ilmo yar oo 9 bilood jiray calooshiisa laga soosaaray ilmo kale oo bakhti ah.

Ilmaha qalliinka lagu sameeyay oo ah wiil sagaal bilood jiray, waxa qaliin uu barqonimadii maanta ku sameeyay Dr Saleebaan Cabdi Guuleed, lagaga soosaaray ilmo yar oo bakhti ah, laakiin xubnihii bani-aadamka leh oo Illaahay (SWC) uu ku dhex abuuray caloosha ilmaha yar.

Dhacdadani waxay soo jiidatay in badan oo bulshada ka mida, kadib markii shirkadda ugu wayn Isgaadhsiinta ee Telesom ay ku dartay warar ay si maalinle ah telefoonada gacanta ee macaamiisheeda ugu dirto.

Mid ka mida kalkaaliyeyaasha caafimaadka ee cusbataalka gaarka ah ee Gargaar, waxa uu shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com u xaqiijiyay in haatan xaaladda caafimaad ee wiilka yar ee qalliinka lagu sameeyay ay fiican tahay, uuna kasoo kabanayo qalliinkaas.

Hase yeeshee, marka cilmiyan loo eego, arrintani waa mid caadi ah oo mararka qaarkood dhacda in laba qof oo mataano ahi ay sidan isugu abuurmaan, inkastoo ay tahay markii koowaad ee lagu arko Somaliland.

 

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed