|

Hargeysa: Mishiinka Kelyaha Sifeeya oo laga hawlgeliyay Cusbatalka Guud

Hargeysa 18, April 2012 (Qurbejoog.com)- Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Seylici), ayaa maanta si rasmi ah xadhiga uga jaray qayb cusub oo lagu kordhiyay cusbatalka guud ee Hargeysa, taasoo ku shaqayn doonta Mishiinka Kelyaha sifeeya.

Mishiinkan oo baahi wayn loo qabay, waxa munaasibad loo sameeyay furitaankiisa ka qaybgalay Madaxweyne kuxigeenka, guddoomiyaha golaha Wakiilada, wasiirada Caafimaadka, Maaliyadda, maamulka cusbatalka Hargeysa, dhakhaatiir ka socotay dalka Imaaraadka Carabta iyo masuuliyiin kale.

Ugu horayn, wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog) oo hadal ka jeediyay munaasibadaas, waxa uu faahfaahin ka bixiyay marxaladihii uu soo maray mashruucan lagu hirgeliyay mishiinka Kelyaha sifeeya, adeegyada uu cusbatalka guud ee Hargeysa bulshada u fidiyo, qorsheyaasha wasaaraddiisa iyo qodobo kale. “Aad baan ugu faraxsanahay in mashruucan sifaynta Kalyuhu inoo hirgelo. Waxaam jeclahay in aan wax ka tilmaamo cusbitalka guud. Adeega uu cusbatalku bixinayay markii aanu nimi, waxa uu ahaa mid aad u liita. Markii aanu isku tagnay dawlada Finland, xukuumadda Somaliland iyo shacabkeeduba, waxaanu isku daynay in aanu wax ka bedelo adeegga caafimaad ee uu cusbitalku bixiyo,” ayuu yidhi wasiirka Caafimaadku. Wuxuuna intaa ku daray, in dawladda Finland oo kaashanaysa wasaaradda u soo dirtay 15 dhakhtar oo Somaliland u dhashay, waxna ku soo bartay dalkaas, isla markaana ay haatan 10 kale soo socdaan.

“Hawshan hirgelinta mashruuca sifaynta Kalyuhu waxay socon doontaa saddex sano, waxaana inala jooga afar dhakhtar oo 3 ka mid ahi yihiin farsamoyaqaano, kuwaasoo kala ah laba qaliinada ah oo midi Lafaha yahay iyo mid Haweenka ah. Waxa kale oo inoo jooga dhakhaatiirteenii oo wadanka gudihiisa wax ku baratay, kuwaasoo iyaguna wax badan ka tari doona adeegga caafimaad ee cusbatalku bixiyo,” ayuu yidhi Dr. Xuseen-Xoog.

Mar uu ka hadlayay qorsheyaasha ay ka hirgeliyeen cusbatalka guud, si kor loogu qaado adeegyada uu bulshada u qabto, waxa uu yidhi;  “Waxaanu suurtagelinay in gelinka dambe la heli karo dhakhaatiir ka hawlgasha cusbatalka, kuwaasoo fulinaya wixii adeeg caafimaad ah ee loo baahdo. Waxa kale oo aanu bilaash ka dhignay adeegga loo fidiyo hooyooyinka uurka leh, maadaama dalkeenu ka mid yahay wadamada ugu horeeya ee ay ugu badan tahay dhimashada hooyada uurka leh,” ayuu hadalkiisa raaciyay wasiirku. Wuxuuna tilmaamay in daryeelka hooyada uurka lihi yahay waajib guud oo cid kasta saaran.

Sidoo kale, wasiirka Caafimaadka Somaliland, waxa uu faahfaahiyay marxaladii uu mashruucan hirgelintiisu soo maray, wuxuuna xusay in mishiinkan sifaynta Kelyaha wadanka la keenay sannadkii 2009, balse aan la hirgelinin. “Wasaaradda Maaliyadda ayaa gacan ka geysatay sidii loo hirgelin lahaa mashruucan sifaynta Kalyaha. Waxaanu uga baahanay $ 55,000 oo ahayd mushaharka shaqaalaha ee saddexda bilood ee uu horeeya iyo qalabka dhakhaatiirta. Markaa maanta laga bilaabo wuu shaqaynayaa qalabkii loogu talogalay in lagu sifeeyo Kalyaha. Dadkeena  wuu ku badan yahay Kalyo-xanuunku ama dhiig-karku ha keeno ama macaankuye, taasoo sababta  dhimasho badan, wadanka Somalilandna waxa uu noqonayaa meeshii ugu horaysay ee laga hirgeliyo qalabkan guud ahaan dhulka ay Soomaalidu degto,” ayuu yidhi wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen-Xoog).”

Waxa kale oo uu wasiirku sheegay inay dhowaan dalka soo gaadhi doonaan saddex mishiin oo loogu talogalay in gaar looga dhiga dadka la nool cudurada HIV/AIDS iyo Hepatitis B-ga, wuxuuna guud ahaan bulshada Somaliland ugu baaqay inay ka qaybqaataan sidii ay dhaqaale ugu soo kordhin lahaayeen qalabkan, maadaama oo dhaqaalaha ku baxayaaa uu aad u badan yahay, sidaa darteedna looga hortago in mashruucani bulshada u adeeggi waayo.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isna hadal ka jeediyay munaasibadaas, waxa uu amaanay adeegyada ay wasaaradda Caafimaadku dalka ka wado. “Waxaanu u aragnaa in wasaarada Caafimadku hawlaha ay u wado bulshadeena wax badan ka tari doonaan adeegii caafimaad ee ay umaddu u baahnayd, hawlahaa ay wadaana waanu ku barbar taaganahay. Waxaanu jecelahay in cusbatalkan iyo kuwa kaleba noqdaan qaar buuxiya baahiyaha caafimaad ee bulshadeena,” ayuu yidhi Mr. Samaale.

Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro0 oo isna halkaas hadal ka jeediyay, waxa uu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay hirgelinta mashruucan baahida wayn loo qabay.

Ugu dambayn, Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo hadal ka jeediyay munaasibadaas, waxa uu sheegay in mishiinka sifeeya Kelyahu uu yahay adeeg caafimaad oo baahi aad u wayn loo qabay. “Waxa farxad weyn inoo ah in adeeg caafimad oo lacag badani inagaga baxaysay laga hirgeliyo dalka gudihiisa. Xukuumaddu waxay ku dedaalaysaa inay wax ka qabato adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha, waanay ka muuqataa in isbedel ka dhacay adeegyadaa,” ayuu yidhi. Wuxuuna intaa raaciyay Madaxweyne kuxigeenku; “Dadkana waxa looga baahanyahay inay dawlada kala qaybqaataan  oo lacagta la bixiyo. Qofka wax bixin karayaa ha bixiyo, waayo waxa uu culaysku ka dhacayaa ka aan haysan kharash dibada lagu geeyo.”

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed