|

Hargeysa: Maayarka cusub oo ka soo laabtay socdaal Caafimaad iyo waqtiga xil-wareejintu qabsoomayso

Hargeysa 04, January 2012 (SDN)- Maayarka cusub ee caasimadda Hargeysa Eng. Yuusuf Warsame Siciid, ayaa maanta ka soo laabtay socdaal dibadeed oo muddo dhawr maalmood ah qaatay.

Siday ilo xogogaal ahi u sheegeen shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, maayarka la doortay waxa uu horaantii todobaadkan socdaal ugu baxay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta oo uu dhawrkii maalmood ee u dambeeyay ku sugnaa.

Warku wuxuu intaa ku daray, in socdaalkiisu la xidhiidhay hawlo caafimaad iyo balan hore oo uu la lahaa dhakhtar Dubai jooga, si uu ula socdo xaaladdiisa caafimaad, taasoo la xidhiidhay adeegyo caafimaad oo hore ugu socday kuna saabsan daawaynta xanuuno sida la sheegay Uur-ku-jirta iyo lafaha ah.

Hase yeeshee, waxa la sheegay inuu maanta ka soo degay madaarka Berbera ka dib markii sida la sheegay maayarka xilka wareejinaya Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir dhamaystiray hawlaha xil-wareejinta dawladda Hoose ee Hargeysa oo uu todobaadyadii u dambeeyay ku hawlanaa.

Siday ilahaa xogogaalka ahi tibaaxeen, munaasibadda xil-wareejinta ah ee golihii Deegaanka ee 10-kii sannadood ee u dambeeyay xilka hayay ee Hargeysa uu xilka ugu tirinayo 25-ka xubnood ee dhowaan ku guulaystay doorashadii Deegaanka ee November 28th, waxa la qaban doonaa Sabtida beri.

Golaha Deegaanka Hargeysa ee la doortay waxay December 23-keedii maayarka caasimadda u doorteen Eng. Yuusuf Warsame Siciid oo ka mid ah todobada xubnood ee xisbiga Kulmiye, halka ay kuxigeenkiisana u doorteen Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Ina-Cagawayne) oo ka mid ah 4-ta xubnood ee xisbiga UCID uga soo baxay Hargeysa.

Maayarka la doortay oo ah nin injineer ah oo ku jira da’da todobaataneeyada, waxa uu bedelayaa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo xilkaas hayay tan iyo 2002, kaasoo bulshadu u aragto inuu wax-qabadyo wax-ku-ool ah kaga tegayo magaalada Hargeysa, inkastoo sida uu sheegay ay weli jiraan waxyaabo wax-kaqabasho u baahan oo qabyo ah.

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed