Hargeysa: Laba Suxufi oo habeenkii saddexaad Xabsiga u hoyday
Hargeysa 17, May 2012 (Qurbejoog.com)- Tifaftiraha Wargeyska Yool Maxamed Cabdi Curad iyo weriye Khadar Xuseen oo isna ka tirsan wargeyskaas, ayaa habeenkii saddexaad u hoyday xabsiga, ka dib markii dhawr maalmood ka hor la xidhay.
Suxufiyiintan oo hadda ku jira saldhiga dhexe ee Booliska Hargeysa, waxa la qabtay barqonimadii doraad, xilli sida la sheegay ay sawiro ka qaadayeen iska-horimaad dhexmaray koox dablay ah iyo ciidanka qaranka.
Sidoo kale, waxa la sheegay in suxufiyiintaasi sawiro ka qaadeen wasiirka Madaxtooyada Mr. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo xilligaas ku sugnaa meel aan ka fogayn goobta ay ka dhacday iskahorimaad khasaare dhaliyay oo dhexmaray dablaydaas hubaysan iyo ciidanka qaranka.
Waxa la sheegay in wasiirka Daakhiliga Mr. Maxamed Nuur Carraale (Duur) uu bixiyay amarka xadhigooda, iyadoo uu sabab uga dhigay sawirada ay qaadayeen.
Muddooyinkan dambe xukuumadda Somaliland waxay sii labanlaabtay tacadiyada ka dhanka ah suxufiyiinta iyo saxaafadda madaxabanaan ee dalka, iyadoo sannadkan oo keliyana la xidhay inka badan 40 suxufi.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com