Hargeysa: Hawsha Rakibaada War-laliska cusub ee Idaacadda oo la bilaabayo
Hargeysa 04, July 2012 (SDN)- Farsamo-yaqaano ka socda shirkad qandaraas ku qaadatay rakibaada war-laliska cusub ee idaacadda Raadyow Hargeysa, ayaa soo gaadhay Somaliland.
Agaasimaha waaxda Farsamada ee wasaaradda Warfaafinta Mr. Axmed Saleebaan-weyne iyo maamulaha shirkadda BTC Cabdiwahaab Xaaji Cali, ayaa Madaarka Berbera ku soo dhaweeyay laba injineer oo ka socda shirkad magaceeda lagu sheegay PDF oo ah shirkadda qaadatay qandaraaska rakibaadka idaacadda cusub, lagana soo iibiyay qalabkan. “Waxa jooga injineerada dufcadii ugu horaysay ee shirkadan qandaraaska qaadatay ee la yidhaahdo PDF oo ah shirkada rakibaysa isla markaana ah shirka laga soo iibsaday idaacada cusub. Injineeradani waa injineeradii dhisaya taawarka, waana dufcadii ugu horaysay kuwii kalena waxa ay imanayaan todobaadkan,” ayuu yidhi.
Axmed Saleebaan-weyne waxa uu sheegay in farsamo-yaqaanadani u dhasheen dalka Shiinaha, iyadoo 15 kale oo farsamo-yaqaana todobaadkan ka iman doonaan dalkaas.
Idaacadda cusub waxa loogu talogalay inay noqoto mid dalka wada gaadha.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com