Hargeysa: Haween walaac ka muujiyay in goleyaasha Xeer-dejintu suurtogeliyaan Kuraas kooto ah oo doorashooyinka laga siiyo Dumarka iyo dadka Lahayb-sooco
Hargeysa 11, July 2012 (SDN)- Qaybo ka mid ah Haweenka Somaliland oo maanta shirjaraa’id ku qabtay huteelka Summer time ee magaalada Hargaysa, ayaa walaac ka muujiyay sida ay golayaasha qaranku u maarayn karaan diyaarinta saami go’an oo kuraas ah oo doorasho loogu qoondeeyay Haweenka iyo dadka Lahayb-sooco.
Kulankan waxaa hadalo ka soo jeediyay Lataliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Haweenka Amaal Xaaji Miisaan oo ay weheliyaan hogaanka Dalada Haweenka ee NEGAAD iyo dumar kale oo ku jira axsaabta iyo Ururada siyaasada .
Guddoomiyaha Dalada Haweenka ee NEGAAD Kaltuun Sh Xasan Cabdi oo shir jaraa’idkaa ka hadashay, ayaa tilmaantay in haweenka kulankan ka soo qaybgalay ay ka tirsan yihiin, kuwaasoo isugu yimid si ay haweenka Somaliland u muujiyaan dareenkooda ku saabsan hanaankii ay uga qaybgeli lahaayeen Doorashooyinka soo socda, iyadoo kulanka la isku dhaafsanayo fikradaha ku saabsan helitaanka kuraasta Kootada ah ee uu haweenka Somaliland u ooman yihiin.
Lataliyaha madaxweynaha ee Arimaha Haweenka Amaal Xaaji Miisaan ayaa iyana kulankaasi baaq uga dirtay Golaha sharcidejinta ee JSL baaqaas oo ku aaddan in Golahu ansixiyaan xeerka Madaxweynahu ugu ogolaaday haweenka Somaliland inay kuraas Kooto ah ku yeeshaan golayaasha Qaranka.
Dhanka kalena Marwo Amaal waxay fariin warbaahinta u marisay haween weynaha Somaliland iyadoo ka dalbatay inay is aqoonsadaan oo xiliga doorashada ay codkooda siiyaan hablaha musharixinta ah.
Waxaa kaloo halkaa ka hadlay mas’uuliyiin ay ka mid yahiin Agaasimaha waaxda Arimaha bulshada ee wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada cabdi cabdilaahi xasan, Madaxa Gendar-ka ee wasaaradda warfaafinta Nimco Maxamed ciise, haween ka kala socday Xisbiyada iyo ururada siyaasada ee heer qaran oo iyagu ku talo jira inay u tartamaan doorashooyinka soo socda.
Sida la ogyahay Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamaed maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhowaan golaha Wakiilada u soo gudbiyey xeerka kuraasta kootada ah ee Haweenka iyo dadka Lahayb-sooco, iyadoo golaha Wakiiladuna ay dib ugu celiyeen gudidda arimaha gudaha ee golahaas.