|

Hargeysa: Guddida Diiwaangelinta Ururrada oo gunnaanaday tirinta kunka qof ee laga doonayo Urur kasta iyo Guddoomiyaha oo ka hadlay

Hargeysa, 19, Mar 2012 (SDN)- Waxay maalintii labaad ay Guddida Diiwaangelinta Urarradu Siyaasaddu Caasimadda Hargeysa ka bilaabeen tirinta kunka qof ee madax taabashada ah ee laga rabo Ururrada Siyaasadda, iyagoo shalay soo dhameeyay Xarunta Gobolka Awdal ee Boorama.

Waxa saaka si isku mid ah uga bilaabmay dhamaan degmooyinka magaalada Hargeysa is-abaabulka Ururrada Siyaasadda, iyadoo wadooyinka waawayn ee magaalada laga dareemayay saxmada baabuurta samaynaysa dhoola-tuska Ururka kasta cududiisa, waxaana isla galinkii hore ee maantaba ay Guddidu dhameeyeen tirinta kunka qof ee laga rabo15-ka Urur Siyaasaddeed.

Guddoomiyaha Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda Cabdirisaaq Jaamac Cumar oo xafiiskiisa kula hadlay Saxaafada, ka dib markii ay soo gabagabeeyeen hawsha tirinta dadka laga rabo Ururrada Siyaasadda.

Waxa uu sheegay Guddoomiyuhu inay si wanaagsan ugu dhamaatay hawshu, isagoo inay hawshii shalay magaalada Boorama ay waayo-aragnimo ka korodhsadeen, isla markaana waxa uu mahadceliyay ciidamada ammaanka, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii. “Maanta waa maalintii labaad ee diiwaangelinta ee kunka qof ee xafiisyada ururrada ka diiwaangashan iyo kunka qof ee madax taabashada ah, shalay Boorama ayaanu ka soo bilawnay maantana Caasimada ayaanu ka bilawnay. Shalay hawshu si kastaba ha u dhacdee hawl bilaw ah ayay ahayd, waayo aragnimo badan ayaa laga helay caasimadda oo iyadu aad u balaadhan oo ka culus ayaanu maanta la galay, waxaanu Illaahay ku mahadinaynaa in hawshii ku dhamaatay si wanaagsan iyo nabadgelyo ah.” ayuu Guddoomiyuhu.

Waxaanu mahadnaq u jeediyay ciidamada ammaanka. “Waxa maanta hawsha sahlay oo fududeeyay Ciidamada ammaanka, waananu ugu mahadcelinaynaa. Ururradu abaabul wanaagsan ayay sameeyeen, marka aanu lixda gobol dhamayno ayaanu natiijadana soo saari doonaa.” Ayuu hadalkiisa ku soo ururiyay Cabdirisaaq Jaamac Ciyaale.

SDN, Hargeysa Somaliland

Said8090@gmail.com

Comments are closed