Hargeysa: Goobo Si Qarsoodi ah Wasaaradda Arrimiha Guduhu U Geystay Sanaaduuqda Diiwaangelinta Loogu Talo Galay iyo Shacabka oo kasoo Horjeestay
Hargeysa:Sep,25,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Somaliland, ayaa la sheegayaa inay si qarsoodi ah xaafado kamid ah Caasimadda Hargeysa ug qaybisya sanaaduuqda loogu talogalay inay dadku isku diiwaangeliyaan, kuwaas oo si teel-teel ah loo dhigay Goobo kooban maalinimadii shalay.
Sida ay sheegayaan wararka ay helayso qurbejoog.com, wasaaradda arrimaha Gudaha ayaa iyadu qaadday tallaabooyinkan, waxana xaafadaha ku yaalla Koonfurta caasimadda ay dhigeen sanaaduuq la doonayo in lagu bilaabo diiwaangelinta Madaniga ah, kahor inta aan la ansixin xeerka diiwaangelinta oo haatan horyaalla Golaha wakiillada.
Arrinta diiwaangelinta ayaa waxa gebi ahaanba si weyn uga biyo diidsan shacabka reer Somaliland, waxana diidmadoodu salka ku Haysaa goobaha loogu talo galay in dadka lagu diiwaangeliyo oo aad u yar, taas oo cidhiidhi gelinaysa qaabkii dadku u qaadan lahaayeen kaadhadhka diwaangelinta.
Goobaha sanaaduuqda la geeyey ayaa ah qaar qarsoodi loo dhigay, waxana sidoo kale goobahaas la dhigay shaqaale kooban, iyadoo dadka goobahaas ka ag dhawi ay cadho badan ka muujiyeen sida qarsoodiga ah ee wasaaradda arrimaha Guduhu doonayso inay ku waddo diiwaangelinta madaniga ah.
Toddobaadkan ayey ahayd markii xukuumadda iyo axsaabta qaranku ka heshiiyeen in diiwaangelinta lasii wado, waxase wali mucaaridku ka biyo diidsan yahay goobaha sanaaduuqda la dhigayo oo ah kuwo aad u kooban.
Wasaaradda arrimaha Gudaha ayaa iyadu diidan inay ballaadhiso goobaha kaadhadhka loogu talo galay inay dadku ka qaataan, waxana sida muuqata la diidan yahay in kharashku bato, maadaama shirkadda diiwaangelinta samaynaysaa ay tahay mid xidhiiidh dhaw la leh xubno kamid ah Golaha wasiirrada, isla-markaana ay xukuumaddu raalli kaga tahay inay goobo kooban ku qabato diiwaangelinta.
Diiwaangelinta la filayo inay Somaliland ka dhacdo, ayaa waxa ay fure u noqon doontaa doorasho ka dhacda dalka, waxase wararka jiraa yahay inay dib u dhici doonto, taas oo haddii ay dhacdo keeni doonta inay doorashada lafteedu dib u dhacdo.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com