Hargeysa: Ururada aan Dawliga ahayn oo soosaaray Baaq ku saabsan wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya
Hargeysa 24, June 2012 (Qurbejoog.com)- Dallada ay ku midoobeen Ururada aan Dowliga ahayn ee Somaliland oo magaceeda loo soo gaabiyo SONSAF, ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Hargeysa ka soosaaray baaq ku saabsan wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.
SONSAF waxay taageertay nidaamkii uu u dhacay wejiga koowaad ee wada-hadalada oo Khamiistii lagu soo gebogabeeyay duleedka London, waxayna hambalyo u direen guddiga dawladda Somaliland uga qaybgalay wada-hadalada labada dhinac, wuxuuna warsaxaafadeed ay Dalladu soosaartay u dhignaa sidan; “Matalayaasha aan dawliga (SONSAF), oo ay ku midoobeen Bulshada Rayidka, Ganacsatada, Ururada Bulshada, Xirfadlayaasha, Madax-dhaqameedka iyo Culimada dalka, ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Xaruntooda magaaladda Hargeysa ka soo saareen Baaq ay ku taageerayaan habkii iyo nidaamkii uu u dhacay shirkii dhawaan ka dhacay magaaladda London.
Kulankan oo uu gundhigiisu ahaa taageero ay u soo jeedinayeen Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan wefdigii Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud u magacaabay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.
Ugu horeyn shirka waxa furay , Gudoomiyaha Matalayaasha aan dawliga ahayn ee SONSAF, Mudane, Aadan Xaaji Cali, waxana hadaladiisii ka mid ahaa “ Kulankan aanu maanta u fadhino anaga oo ka kooban matalayaasha aan dawliga ah (Somaliland non actors state forum), waxa aanu taageero buuxda siinaynaa wada hadaladii ka dhacay London ee ay ku wada hadlayeen Somaliland iyo Soomaaliya”.
Qodobadii ay halkaasi ka soo jeediyeen waxa ka mid ahaa:-
1. Taageero buuxda wefdigii Somaliland ee wada hadalada la galay Soomaaliya.
2. Taageero baaqii ka soo baxay wada hadalada London.
3. waxaanu hambalyo diiran u diraynaa Madaxweynaha, wefdigii ka qayb galay shirkaasi iyo Dawladaha Ingiriiska, Norway iyo EU-da oo kaalin weyn ka qaatay habka ay u dhacayaan wadahadlada Somaliland iyo Soomaaliya.
Waxa sidoo kale, halkaasi ka hadashay Marwo, Shugri Xaaji Ismaaciil (Baandare), oo hore uga qayb gashay shirkii hore ee London, waxay si weyn u faah faahisay faa’iidada labdaasi shir uga soo baxday Somaliland iyo marxaladaha cusub ee ay u gudubtay raadintii ictiraaf u raadinta Somaliland, waxana ay Madaxweynaha ku hambalyaysay sida uu ugu dhiiraday siyaasadaasi cusub ee Beesha caalamka ugu soo bandhigayno qaranimadeena.
Ururada ka soo qaybgalay shir saxaafadeedkii ka dhacay xarunta SONSAF, waxa ay kala yihiin sidan;-
1. Kaltuun Sh Hassan (Nagaad)
2. Ismaaciil Ciise Abraas (FOPAG)
3. Aadan Xaaji Cali (SONSAF)
4. Axmed Xassan Yuusuf (AWPPCAN-SOM)
5. Mustafe Sacad Dhinbiil (Media Sector)
6. Xassan Axmed Xusseen (Private Sector)
7. Shugri Xaaji Ismaaciil (Candle Light)
8. Haaruun Axmed Yuusuf (NAGAAD).
9. Maxamed Axmed (SONSAF)
10. Cabdiraxmaan Maxamed (SONSAF).”
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com